|

Guddoomiye Saleebaan Gaal oo Xaraaradda Kulmiye Hoos U dhigaya iyo Muuse Oo Ka Kacay Soo Jeedimo ay Guddi Dhexdhexaad ahi ula Yimaadeen

Hargeysa:24-Nov-2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland, ayaa si aad ah uga Warwar qaba muranka iyo Is Qabqabsiga muddada Dheer dhexyaallay iyadoo xilligii loo iclaamiyey Shirweynaha Xisbiguna Uu Kaabiga inagu soo Hayo.

MuuseMadaxweyne Siilaanyo oo Arrinta Daminteeda u igmaday inuu Guddoomiye Saleebaan ka Odayeeyo, ayaa Habeenkii xalay soo Saaray Go’aan uu labada Dhinac iskugu Keenayo.

Sida ay sheegayaan  Wararka Hoose ee aanu ka Helay ilo ku DHaw shirkan uu Guddoomiye Saleebaan la lahaa dhinacyadan is Haya, waxa la Soo Jeediyey inaan Wax Doorasho ahi ka Dhicin Xisbiga Dhexdiisa, isla-markaana sidoodii Loo Daayo hogaankii Xisbiga, Fulintii, Gudida Qabanqaabada iyo Golaha Dhexeba  oo aan waxba Xisbiga dhismihiisii laga bedeli doonin.

 

Kulanka go’aankan laga soo saaray ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan isla markaana ay goob joog ka ahaayeen labada Garab ee Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo la sheegay in ay qudbado ku waajahan aragtidooda go’aankaasi ka jeediyeen, iyadoo aan yooyootan sidaas u weyni meesha ka Muuqanin.

 

Ilo wareedyo kulankaasi u dhuun daloola ayaa Noo xaqiijiyey go’aankan oo salka ku haya qoddobo toddoba ahaa oo garabka Samaale iyo xubnaha fulinta ugu badan u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddidiisa Saleebaan Odayga u yahay in la isla qaatay wallow Muuse Biixi ka kacay shirka oo uu sheegay in uu ka soo tashanayo, Taas oo bixisay Sawir ah inaanu Muuse soo Dhaweynin Fikirka uu Guddoomiye Saleebaan la Shir Yimi.

Garabka la Rifay ee uu Samaale Hoggaamiyo, ayaa iyagu Go’aankan Guddoomiyaha Si aad ah u soo Dhaweeyey, waxana ay Jecel yihiin in sidooda loo qaato oo aan wax Doorasho ah xisbiga la dhex dhigin si Wada jirka loo Ilaaliyo.

Lama oga in go’aankani calool samaan ku fuli doono iyo in ay wax ka soo noqon doonaan hase yeeshee waa mid meesha ka saaraya Loolankii la filayey in Xisbiga Kulmiye shirweynihiisa ku dhex mari doono siyaasiyiinta Hanka u leh kuraasta ugu saraysa oo la filayey haddii Muuse loo daayey kiisa in kuwa kale lagu tartami doono.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed