DAAWO Waraysi: Mohamed Barre, Dhalinta qurbaha,dilka iyo dagaalka ay isku hayaan
Minneapolis Nov 24,2013(SDN)-Waa Barnaamijka SAADAASHA DHACDOOYINKA ee TV-ga Somali Chanell ka baxa magaalada Minneapolis, ee dalka Maraykanka ka soo baxa oo ka hadlaayaa arimo la xariiri dhalinyarada Soomaaliyeed iyo farshaxanka sawarada Soomaalida ee sanadlaha ee uu soo Bandhigo Aqoonyahan Maxamed Barre.
Fadlan daawada si aad u fahantaan arinta waraysigan ka hadlaya dhalinta Soomaaliyeed ee Qurbejooga ah oo idinaan inta badan ku arkin wararka ay soo tabiyaan inta badan shabakadaha Soomaaliyeed – waana arimo ku saabsan dhalinta Soomaaliyeed ee qurbaha ee iyaga dhexdooda is dilka ba’an isku haya – gaar ahaan magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, ee dalka Maraykanka.
Waxaan idiinka digi lahaa hadii aad tahay qof jecel reer HEBEL, waraysigaan kuma saabsana reer HEBEL, waxaa uu ku saabsan yahay arimaha qurbo joogta soo foodsaara, sida dhalinyarada qurbojoogta ah oo aadan inta badan aadan ku arkay shabakadaha wararka Soomaalieed maadaama ay inta badan ku mashquulsan yihiin arimaha siyaasadeed oo keli ah.
Sidoo kale waxaan halkaa idiinku soo gudbinaayaa taladaan:
Fartiin Aabayaasha Soomaaliyeed:
Aabe kasta ha ogaado in caruurtiisa ay maanta rabto, oo xiriirka Aabinimo sugi karin beri.
Fartiin Hooyooyinka Soomaaliyeed:
Hooyo kasta ha ogaato in wiilkasta ama gaberkasta ay Aabahood rabaan “madaama barbaarinta Aabaha ay iyada a muhiimad wayn leedahay.
Fartiin Familada Soomaaliyeed:
Familka isku duuban ee aan kala tegin waa ka muhiimsan yahay, kana mustaqbal fiican yahay kan kala tago, ee kala jajabo.
Waxaa qoray: Mohamed Barre [Buluf]- oo wax ka qora: arimaha Soomaalida ee magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com.
Video Source: SomaliChannel.