Xisbiga Waddani Oo Iska Caydhiyey Xubin Jabisay Qaanuunka Xisbiga
Hargeisa:24-Nov-2013(S.D.N)- Ka dib Markii uu Si Toos ah ula Saftay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hore eedo ugu Jeediyey Xisbiga Waddani, ayey Arrintaasi Keentay In Xisbigu Wax iska Weydiiyo Wixii laga Yeelo Lahaa Xubintan Fallaagowday.
Kulan muddo Dheer socday oo Hoggaanka Sare iyo Guddiyada Fulintu yeesheen Maalintii Shalay,ayaa la Iskula Meel Dhigay in Guud ahaan Mudane Filanwaa laga Eryo oo laga Xayuubiyo Xubinnimada Xisbiga, Maadaama uu ka soo Horjeestay Geeddi-socodka iyo siyaasadda Rasmiga ah ee Xisbigaas.
Filan-waa oo ahaan Jirey Wasiir-ku-xigeenkii wasaaradda Gaashaaniga Xilligii Rayaale, ayaa lagu Warhelay isagoo Fadhigay TV-Ga Xukuumaddu maamusho, isla-markaana difaacaya Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xisbigu Eedo ka Tirsanayey, halka uu eedo u xambaariyey Siyaasi Axmed Muumin Seed oo maalmo ka hor u jawaabay Wasiir waran-cadde.
Arrintaas ayaa Keentay in Guud ahaanba Xisbigu Dibadda Dhigo Filan-waa, waxana taasi muujinaysaa in Xisbiga Waddani aanu u qaadan Karin xurgufaha iyo Xulafooyinka Xubnaha Muxaafidka ahi ku Dhexleeyihiin Xisbiga Dhexdiisa.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com