Xukuumada Kenya oo Gaashaanka u daruurtay dalab uga Yimid Qaxootiga ku Jira Dhadhaab kuna adkaysatay Go’aankeedii
Dhadhaab 23.Nov 2013 (SDN)- Dowladda Kenya ayaa ku gacan sayrtay codsi ay qaxootiga ku nool xeradaha Dhadhaab ku dalbadeen in muddada saddexda sano ah loo kordhiyo.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph ole Lenku oo maanta booqday xerada Dhadhaab ayaa sheegay inaan laga noqon doonin go’aanka lagu heshiiyay, wuxuuna hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala xeryaha faray inay u guuraan gudaha Soomaaliya, si ay u caawiyaan qaxootiga noqonaya.
Wuxuu sheegay inay tahay waqtigii ugu wanaagsanaa ee ay guryahooda ku noqon lahaayeen, isla markaana ay ka qaybqaadan lahaayeen dib-u-dhiska dalkooda.
Kenya, Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa horraantii bishan saxiixay heshiis muddo saddex sano ah ay qaxootiga dib ugu noqonayaan Soomaaliya, si aan qasab ahayn.
Ole Lenku wuxuu sheegay inay ka fikireen ka hor inta aanay saxiixin heshiiska saddex geesoodka ah.
Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa mas’uuliyiinta Kenya ku weheliyay kulan ay la qaateen odayaasha xeryaha Dhadhaab.
Dhadhaab SDN.
Qurbejoog.com