|

Madaxweyne ku xigeenka Uganda oo ugu baaqay Dalalka Carbeed iyo kuwa africa inay caawiyaan Somalia

Kampala 23.Nov 2013 (SDN)- Dowladda Uganda ayaa ugu baaqday waddamada Carabta iyo kuwa Afrika in ay taageeraan dadaalka loogu jiro  nabad ka aslaaxda guud ahaan waddanka Soomaaliya.

Edward-SsekandiMadaxweyne ku xigeenka dalka Uganda Edward Ssekandi ayaa baaqan ka jeediyay shirkii hoggaamiyayaasha waddamada Carabta iyo Afrika ay ku yeesheen dalka Kuwait.

Edward ayaa sheegay in waddankiisa uu aad u daneynayo nabad iyo deganaansho ka hirgasha gobolka, iyadoo uu sheegay in Uganda ay dadaal badan gelisay sidii horumar dhinaca nabadda ah looga gaari lahaa Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Uganda Edward Ssekandi ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taageero dheeraad ah oo loo fidiyo Soomaaliya si dib loogu soo celiyo deganaanshaha waddanka Geeska Afrika ku yaalla ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa hoosta ka xarriiqay in hanjabaadaha ka soo yeeraya kooxaha xag-jirka ah iyo kuwa argagixisada ah ay caqabad ku yihiin nabadda, degenaanshaha iyo horumarka dhaqaale ee gobolka.

Comments are closed