|

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya iyo Danjiraha Somalia ee Kenya oo Booqanaya Xeryaha Qaxoontiga ee dhadhaab

Dhadhaab 23.Nov 2013 (SDN)- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameerika) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay mar kale ka ambabaxay Nairobi iyagoo ku sii jeeda xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Ameeriko-300x225Danjiraha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelinaya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.

Danjire Cali Ameeriko oo maanta wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkooda ay tahay in qaxootiga Soomaalida ah lagu qanciyo in uu dhaqan-galay heshiis ay dhowaan kala saxiixdeen Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR, kaas oo dhigaya in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Dhadhaab aan lagu khasbeynin inay ku laabtaan dalkooda.

Wuxuu sidoo kale danjiruhu sheegay in haddii ay jiraan dad Soomaali ah oo iskood u go’aansaday inay ku noqdaan dalkooda la tiro-koobayo, si looga caawiyo safarka.

Danjiraha iyo wafdi la socday ayaa shalay booqday xeryaha Dhadhaab, si ay meesha uga baxdo cabsi ay qaxootiga Soomaalida ah ka qabeen in si khasab ah loogu celinayo dalkooda.

Dhadhaab SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed