“Waxaan Xukuumada ka Dalbanayaa inay Aqbasho Dooda Qaran ee Xisbiyada Mucaaridka ah oo ah Mid Dimuquraadi ah” Gudoomiyihii Hore ee Komiishanka Xuquuqul Iinsaanka Qaranka {DHAGAYSO}
Hargaysa 23.Nov 2013 (SDN)- Gudoomiyihii Hore ee Komiishanka Xuquuqul Iinsaanka Qaranka Axmed Yuusuf Xasan oo Warbaahinta Maanta u Waramayay ayaa ka dalbaday Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo inay aqbasho Dooda Tallo qaran ee ay Xisbiyada Mucaaridku wadaan, Waxaa kale oo uu dawlada ka dalbaday inay Samayso Xeerkii ay ku shaqan lahayd Shirkada Genel Energy Sidoo kale waxa uu codsaday in la Sameeyo Xeerkii darajo bixinta Ciidamada .
Gudoomiyihii hore ee Komiishanka Xuquuqul Iinsaanku waxaa kale oo uu xusay in Shirka dooda Qaran ee ay Gardaadinayaan labada Xisbi Mucaarid inaan la Sharaysan.
Guji halkan si aad mobilkaaga u dhagayso Hadalka Gudoomiyihii hore ee Xuquuqul iinsaanka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Xuquuqiinsaan23n.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com