USA:Nin Soomaali ah oo markii u horeysay loo doortay guddida Waxbarashada ee Lewiston
Lewiston Nov 23,2013(SDN)-Magaalada Lewiston ee Gobolka Maine ee dalka Mareykanka ayaa markii u horeysay nin Soomaali ah u doortay in uu xubin ka noqdo guddida Waxbarashada ee Magaaladaasi.
Jaamac Maxamed oo 29 jir ah xilkan loo doortay waxa loo dhaarin doonaa bisha January ee sanadka ina soo haya.
Jaamac Maxamed oo qudhiisa ah aabaha lix cariir ah ayaa saxaafada u sheegay in xilka loo magacaabay yahay mid masuuliyad faro badani ku ladhan tahay.
Jaamac ayaa dalkaas Mareykanka tegay sanadii 2004kii waxaanu magaalada Lewiston sanadii 2008dii.
Haweeney Soomaali ah oo hore xubin uga aheyd Guddida Waxbarada ee magaalada Lewiston ayaan la dooran balse xilkaa loo magacaabay.
Guddidan ayaa masuuliydahooda baaxada leh waxaa ka mid ah dejinta manhajta iyo xeerarka maamul ee goobaha waxbarashada.
SDN-Lewiston
contact@somalidiasporanews.com