Marsada Berbera Oo Dhimasho iyo Dhaawac uu Ka Geystay Markab Alaab Laga Rogayey
Berbera:23-Non-2013(SDN)-Marsada Berbera waxa Habeenkii Xalay ka Dhacay Shil uu sababay Marakab la yidhaahdo Fartuun Exprees, waxana la sheegayaa inuu Hal qof halkaas ku dhintay halka uu mid kalena dhaawac culusi soo Gaadhay.
Sababta Dilka ayaa lagu sheegay Cillad ku timi Wiishka markabka dhakada sare kaga yaalla ee uu u isticmaalo inuu xamuulka iskaga dejiyo.
Marxuumka dhintay ayaa magaciisa la odhan jiray Maxamud Xuseen Xasan (Dagaal), halka ka dhaawacmay oo xaaladdiisu aad u liidato la yidhaahdo Maxamed Caydiid Jibriil, kaasoo loola cararay Cisbitaalka.
Illaa hada lama oga sababta cilada keentay hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka nooga imanaya Gobolka Saaxil, ayaa tilmaamaya in Wiishku mar kaliya ku ciiray shaqaalihii xamuulka ka shaqaynayey.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan Hargeysa ayaa qurbejoog.com u sheegay in shilka Markabkaasi sababay dhimasho iyo dhaawac dadkii shaqaalaha ahaa.
Cali Xoor Xoor waxa uu sheegay in Hal qof oo shaqaale ahi arrintaas u dhintay ku kalena dhaawac yahay, isla markaana ay baadhayaan sababta shilkaasi.
Wali si fiican looma oga sababta rasmiga ah ee shilkan keentay, waxase kaliya la sheegayaa in wiishku qaloocsamay oo u baydhay goob ka baxsan meeshii loogu talo galay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com