Banaan Bax ka dhan ah ka dhan ah Madaxweynaha Somalia oo Maanta Garowe ka dhacay
Garowe 22.Nov 2013 (SDN)- Magaalada Garowe ayaa maanta waxa mudaaharaad iskugu soo baxay boqolaal dadweyne ah oo ka soo jeeda gobolka Shabeelada Dhexe kuwaasi oo diidan siyaasada madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Dadka isku soo baxay oo boorar wata ayaa qaar ka mida oo la hadlay saxaafada sheegaan in Madaxweynuhu siyaasada uu haantan ku shaqeynayo tahay mid dalka iyo dadka dib ugu celineysaa dagaalkii sokeeye 1991. Iyadoona xukuumadda Muqdisho inay dhibka iyo bahdilka ka daayaan shacabka ku dhaqan Gobalka Shabeeladda dhexe.
Nabadoon Mukhtaar Abuukar Xuseen oo ka mid ah Odayaasha deegaan ahaan ka soo jeeda Shabeelada dhexe isla markaasna mudaharaadka ka hadlay ayaa sheegay inay rajo xumo tahay in hubka dowladda lagu gumaado shacabka Gobalka Shabeelada dhexe, wuxuna ugu baaqay in shacabkaasi laga daayo dagaalka siyaasadaysan.
Beesha caalamka ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan dagaalka ay dowladda Somalia ka bilowday Gobalka Shabeellada dhexe,wuxuna sheegay qabiilo gaar ah inay wadaan dhul balaarsi lagu hayo beelaha Gobalka dega.
Faadumo Maxamed Dalaash oo ka mid ah Hooyooyinkii ka hadlay mudaharaadka ayaa sheegay inay saamayn xoogan ku yelatay haweenka fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabelle kaasoo mudo saddex bilood oo xiriir ah kala gooyay isku socodka Muqdisho iyo Jowhar,waxayna sheegtay haweenka in loo gaysanayo kufsi iyo dilal ka dhan ah aadanaha.
Dowladda Somalia ayay sheegtay inay kala noqdeen kalsoonidii ay u hayeen,maadama aysan waxqabad la taaban karo aysan ka hirgalin Gobalka Shabelleda dhexe.
Xaaji Muuse Cismaan Caray oo ka mid ah dadka soo qaban qaabiyay isku soo baxay ayaa sheegay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobalka Shabelleda dhexe inay ka danbeeyaan dowlada dhexe ee dalka,aysan taasi tahay mid aan loo adkaysan karin,wuxuna sheegay Beesha Jareer-wayne in
looga baahan yahay inay ka dhiidhiyaan gumaadka iyo dagaalada siyaasadaysan ee lagu soo qaaday.
Banaan-baxan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili xaalada Gobalka Shabelladaha dhexe laga dayrinayo, iyadoona saamaynta uu wabiga shabelle gaystay ka sakow ay jirto dagaalada ka dhacay tuulooyin tiro badan oo Jowhar ka tirsan ayna ka carareen dadkii deganaa,balsedowladda aysan ilaa iyo hada waxba ka baqan marka laga tago guddi wasiiro ah oo halkaasi gaaray.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com