Weftigii Wasiirka Kalluumaysiga oo soo gaadhay Magaalada Berbera kadib socdaal ay ku soo mareen Xeebaha Bari ee dalka
Berbera 22.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga ee JSL MD Cali Jaamac Faarax Buureed iyo weftigii uu hogaaminayey ee maalmahan socdaalka ku marayey deegaanada xeebta ee Bariga Somaliland ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Dekedda ah ee Berbera.
Wasiirka oo uu safarkiisa ku wehelinayo Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Md Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase) ayaa socdaalkooda shaqo oo maraya maalintii todobaad waxa ay safar dheer oo xeebta dhinaceeda ah ka soo bilaabeen magaalada Laasqoray illaa ay ka soo gaadheen maanta magaalada Berbera.
Weriye Cali maxamed ibraahin (Cali Suxufi) oo la socda weftigaasi ayaa ku soo warramay in weftigu intii ay socdaalkooda ku gudo jireen ay soo mareen deegaanada kala ah Laasqoray, Maydh iyo Xiis, iyo tuulooyinka ay ka mid yihiin Shalcow, Conqor, Dhoobo, Karin, Ceel-Daraad iyo meelo kale deegaanadaas oo dhamaan kulaalaya xeebta bari ee Somaliland, iyagoo weftigu deegaanadaasi kula kulmay maamulka deegaanada, waxgaradka iyo kalluumaysatada una gudbiyey siyaasadda dawladda ee xiligan gaar ahaan dhinaca horumarinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka Badda, halka sidoo kalena ay weftigu kaluumaysatada deegaanadaasi ku dhaqan u qaybiyeen agab dhinaca kalluumaysiga ah.
Dadweynaha ku dhaqan deegaanada uu weftigu soo maray ayaa si weyn u soo dhoweynayey Wasiirka iyo weftigiisa iyagoo uga mahadceliyey agabka kalluumaysi ee la gaadhsiiyey, dhankiisana uu wasiirku u ballanqaaday in kor loo qaadi doono awoodda kalluumaysiga lana abuuri doono hanaan ay ku kobciyaan dhaqaalahooda.
Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga Md Cali Jaamac Faarax (Buureed) iyo weftigiisa inta ay magaalada Berbera joogaan waxaa u qorshayn inay kulamo la yeeshaan shirkadaha iyo iskaashatooyinka kalluunka ee magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda.
Berbera SDN.
Qurbejoog.com