|

Borama: Marwadii Xukuumaddu Xoogga Kagala Wareegtay Ubadkii ay Ku Soo Tacabtay Oo Xarun Cusub Ka Dhagax Dhigtay Halkaas

Borama:22-Nov-2013(SDN) -Waxa maalintii shalay  magaalada borama ee xarunta gobolka awdal si weyn loogu soo dhawayey hooyada samafal caruurta darbajiifta somaliland haldoor luul xasan mataanXaruntii Derbi-jiifka Hargeysa oo ay ku xannaanayn jirtey ubad yaryar.

luuliMaamo Luul ayaa lagaga Horyimi  dila ee ka tirsan gobolkan awdal iyada oo ay halkaasi ay ku sugnaayeen Kumanaan qof oo isku soo baxay soo dhawaynta hooyada samafal caruurta darbajiifta Somaliland.

Marwo Luul Xasan Mataan, ayaa  loo Soo  magaalada borama iyada oo ay wadada hareeraheeda ay ku sugnaayeen bulsho aad uu tiro badan oo lulayey caleemo goyan, islamarkaana muujinayey qaddarinta ay hayaan maamadan mudan sharafta iyo qiimaynta..

 

hooyada samafal caruurta darbajiifta Somaliland haldoor luul xasan mataan ayaa waxa ay dhagax dhigtay xarun lagu xanaanayn doono caruurta darbajifta somaliland oo ku taal galbeedka borama iyada oo ay sheegtay haldoor luul xasan mataan xarunta cusub ee ay dhagax dhigtay ay tahay mid ay uu baahan yihiin xarunta darbajifta madaama ay yihiin caruurteenii..

 

qaar ka mid xildhibanada golaha deegaanka oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa  ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin imaatinka haldoor xasan mataan isla markaana ay tilmaameen in ay si mug leh looga qayb qaato dhismaha xarunta cusub ee Loo dhisayo Caruurta Darbijiifka

 

sidoo kale  qaar ka mid ah Ubadka Darji-jiifka ku ah Suuqyada Magaalada Borama oo Warbaahintu wax ka Weydiisay  imaatinka Luul Xasan, ayaa sheegay in ay gacmo furan ay ku soo dhawaynayaan isla markaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin xarunta cusub ee ay dhagax dhigtay ee lagu xanaanayn doono caruurta darbajifta.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed