Booliska London oo soo bandhigay xaaldaha Dumar adoonsi magaaladaas loogu heystay mudo aad u dheer
London Nov 22,2013(SDN)-Booliska magaalada London ee dalka UK ayaa markii u horeysay ka waramay xaaladaha dumar ay dhawaan ka soo furteen aqal adooni loogu heystay mudadii u dheereyd ebid.
Booliska ayaa sheegay in ay dumarkan ka warheleen in lagu heysto aqal ku yaal koonfurta London ka dibna ka soo furtay.
Hawlgalka Booliska oo dhacay bil ka hor ayaa iminka uun laba ruux loo qabatay.
Booliska ayaa sheegay in sadeda dumarka ah ee laga soo sii daayay dadka heystay ay u kala dhasheen dalalka Britain,Ireland iyo Malaysia.
Dumarkan ayaa la sheegay in aqalka ay ku noolaayeen mudo 30 sanadood ah.
Boolisku waxa ay sheegeen in dumarkan loo isticmaali jiray in ay qabtaan hawsha gurugaasi.
Laba ruux ayay Boolisku sheegeen in xabsiga loo dhigay dhacdadan ka fejicisay dadka reer UK.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com