|

Waa kuma Siyaasi Aadan Axmed Cilmi “Dhoolayare”?

Waxan ku kalsoonahay in bulshada reer Somaliland aanay u baahnayn maanta in loo sharraxo shakhsiyadda cabqariga ah ee Siyaasi Aadan Axmed Cilmi “Dhoolayare”. Wax badan ayaad  ka garanaysaan taariikhda dahabiga ah ee siyaasi Aadan dhoolayare uu dalka ku leeyahay. Iyada oo ay sidaasi jirto ayaa dhawaan waxan mareegaha ku arkay shakhsi dhawaan soo bax ah oo maqaal guracan godad iyo marfishyo madaw kasoo mal-malluuqay. Sidaas daraadeed waxa lagama maarmaan noqottay in waxoogay yar oo ku saabsan Aadan iyo taariikhdiisa dalka aynu si guud mar ah isku xasuusino, innaga oo aan kusii tiigaalayn.

Aadan iyo shaqadiisii siyaassadda horteed (Milicsi kooban):

Aadan Axmed Cilmi oo lagu naanayso “Dhoolayare”, wuxu ahaa ganacsade caan ka ah dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, ka hor intii aan lagu kala yaacin dalkaas sannadkii 1991-kii. Markii dalku burburay Aadan wuxu noqday dadkii galay qaaradda yurub ee qurba joogga noqday. Intii uu Aadan qurbaha joogay Wuxu halkaas ka bilaabay hawlo ganacsi. Markii waddanku nabdoobey ee Somaliland tis qaadday wuxu ahaa dadkii ugu horreeyey ee kusoo noqday ee dib-u-dhiskiisa ka qayb qaattay. Markasta uu dalka kusoo guryo noqdo Aadan dhoolayare wuxu ahaa nin taakulo badan ka geysta dhinacyada kala geddisan ee horumarinta bulshada.

Wuxu ahaa ninkii ugu horreeyey ee markii dalka lagu soo noqday, inta uu jeebka gacanta geliyey maalgelin ku sameeya abwaaniintii waawayneyd ee dalka ku dayacnayd. Maalgelintaas waxa ka dhashay Filimka caanka ah ee bulshadu illaa maanta xiisaha gaarka ah u qabto ee la yidhaa “Ma guuraan” kaas oo ay jilayaal ka ahaayeen dad caan ah oo ay ka mid yihiin: Boon xirsi, Muuse cali faruur, Bas-baas, dayrwaa, Aw-kadleeye Iyo qaar kaloo badan. Ma guuraan waa dedaalkii la daawaday ee maaha dedaalkii ugu horreeyey ee lagu barto Aadan, mana aha kii ugu dambeeyey.

Aadan Wuxu dalka keenay Madbacad uu ugu talo galay in uu kaga qayb qaatto ganacsigii dalka ka socday, laakiin taasi waxay u cuntami wayday kadib markii uu arkay in qarankani aanu lahayn haba yaraattee goob uu ku daabacdo dhokumentiyadiisa. Aadan waxay la noqottay in uu hantidiisii qaaliga ahayd (Madbacad) ku wareejiyo dawladda xilli ay miisaaniyadeedu aad u yartahay, awoodeeda wax iibsina aad u hooseeyo. Abaal wayn ayaa illaa maanta aanu ugu haynaa Aadan deeqdaas uu Qaranka u hibeeyey.

Aadan iyo xilalkii kala dambeeyey ee Wassaaraddaha Beeraha Iyo Caddaaladda (Guud mar kooban):

Horraantii sannadkii 2005-ta ayuu Aadan dhoolayare ku biiray xukuumaddii Madaxwayne riyaale isagoo noqday wassiirkii Beeraha ee xukuumaddaas. Mr.Dhoolayare hortii, wassaaradda beeruhu waxay ahayd meel magac ahaan u jirta laakiin aan wax magaca uga hooseeyaa aanu jirin. Wassaaradda markii uu la wareegay muddo sanad gudihii ah dadkii dalka joogay iyo kuwii dibadda joogayba way ka dheregsan yihiin halka ay wassaaraddaasi magac ahaan iyo manfac ahaanba gaadhay.

Mr.Aadan wuxu ugu horreynba wassaaradda kusoo xidhay hay’adihii kala duwanaa ee arrimaha beeraha ka shaqayn jiray ee dalka ku sugnaa, hadday yihiin kuwa qaramada midoobay sida FAO, WFP, IFAD Iyo kuwii kale ee caalamiga iyo maxalligaba ahaa sida GAA, WORLD VISION, ADO iwm. hay’adahaas oo markii hore si habaqle ah dalka uga dhex shaqayn jiray, Markaas ka dib Beeralayda  dalka waxa laga caawiyey helitaanka mishiinno biyo soo saar, helitaanka abuur bilaash ah, qaybinta cagafyo iyo dibiyo ay beeraha ku qottaan iwm. Sidoo kale waxa la qabtay biyihii iyo ciiddii meelo badan oo dhulbeereedka dalka ka mid ah nabaad guurka ku keeni jiray, taasina waxay kor u qaadday wax soo saarkii dalka guud ahaanba. Sidaas awgeed Markii koowaad ee taariikhda Somaliland ayey beeralayda dalku dhadhamiyeen dedaalkii wassaaradda beeraha jamhuuriyadda Somaliland.

Dedaalkii iyo waxqabadkii muuqday ee dhanka beeraha dalka uu ka sameeyey waxay keentay in xittaa dawlada Norway ay ku faanto muwaadinkan, iyagoo u arkayey nin sitta baasaboor dalkooda ah. Warbaahinta dalka Norway waxa laga daawaday barnaamij TV-ga dalkaasi kaga diyaariyey Mr.Aadan oo ku guda jira hawshii uu qarankiisa Somaliland u hayey.

Aadan dhoolayare inkasta oo uu qurbe joog ahaa hadana waxa xusid mudan sidii deg-degga ahayd ee uu ula qabsaday dhaqanka bulshada uu ku dhex nool yahay. Mararka qaar wuxu u dhaqmi jiray sida madax-dhaqameedyada. Waxa aad loo xusuustaa xilligii uu ka tirsanaa xukuumaddii UDUB sidii uu qaybta wayn uga qaattay xallinta xurgugtii ku salaysnayd deegaamaynta ee beelaha walaalaha ahi qoryaha isku soo gurteen jiidda sabawanaag ilaa ballimataan.

Waxaan la ilaawi Karin sidii hagar la’aanta ahayd ee uu Mudane Aadan dhoolayare mushaharkiisii koobnaa ugu bixin jiray sidii uu u soo saari lahaa dad aqoon iyo tayo leh oo ka qayb qaadan kara horumarka bulshada Somaliland dhankastaba. Dedaalkiisaas oo noqday mid midho dhal ah waxa ka markhaatti ah in maanta dhalinyaradii uu jaamacadaha kasoo saaray ay meel sare kaga jiraan hawlaha qarankan, kuwaas oo siyaabo kala duduwan uga qayb qaatta horumarka dhaqan-dhaqaale iyo ta bulsho ee dalka.

Waxa marag ma doon ah in aanu jirin wassiir soo mara wassaaraddaas, hortii iyo dabadii toona, kaas oo ka wax qabad badan kana firfircoon Mudane Aadan dhoolayare. Tag wassaaradaas oo warayso shaqaalaheeda. Ama toos ugu tag beeralayda oo waydii Shakhsiyaddii Aadan dhoolayare. Waxad wax badan ka ogaan doontaa shakhsiyadda iyo kartida Aaadan, oo aynaan halkan kaga gayoon Karin.

Dhanka kale Isku shaandhayntii ugu dambaysay ee uu sameeyo Madaxwaynihii hore ee dalka mudane Rayaale, waxa siyaasigan loo bedelay Wassaaradda Caddaalada. Halkaasna sidii horeba looga bartay Wuxu aadan si fir-fircoon uga hawlgalay arrimihii caddaalada khuseeyey. Ugu horreynba wuxu kormeerro ku gaalaa bixiyey jeelasha waddanka si uu ugu kuur galo xaaladda maxaabiistu ku sugan yihiin. Wuxu sidoo kale kormeer kaas la mid ah ku sameeyey xaaladdii maxkamadaha dalku ku sugnaayeen. Kadibna hay’adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caddaalada wuxu la kaashaday sidii loo horumarin lahaa arrimaha khuseeya caddaaladda bulshada dalka.

Waxa dedaalkaas kasoo baxay dhismaha jeelal casri ah iyo xarumo cusub oo lagu kordhiyey maxkmadihii dalka. Taas oo uu kala kaashaday, Ilaahay ka sakaw, hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta ee marka magaceeda lasoo gaabiyo la yidhaa UNDP.

 

Marxaladdii ka dambaysay sannadkii 2010­ka illaa Maanta:

Markii is beddelka siyaasadeed ka dhacay dalka ee ay xukunka la kala wareegeen xisbiyadii KULMIYE iyo UDUB sidii caadada u ahayd Aadan wuxu sii waday dedaalkii uu ugu jiray helitaanka bulsho nabadeed oo barwaaqo iyo horumar ku naaloonaysa. Iyadoo taasi sidaas tahay, waxa sannadkii 2012, markii la furay ururada siyaasadeed ee dalka, taageerayaashii Aadan ee gudaha iyo dibadduba ku qasbeen in uu ka qayb qaatto is beddelkaas siyaasadeed ee dalka ka socda. Taasi waxay keentay in uu Aadan ku dhawaaqo urur siyaasadeedkii la odhan jiray WADAJIR. Wadatashiyo badan kadib waxa hadana uu ururkaasi la midoobay urur siyaasadeedkii kale ee la odhan jiray RAYS. Urursiyaasadeedkan oo isagu noqday mid isku xidhaya dhamaanba gobolada kala gedisan ee dalka-Bari illaa Galbeed. Midawga labadaas urur wuxu sidoo kale meel iskugu keenay taageerayaashii Gobolada Maroodi jeex, Awdal, Tog-dheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag, kuwaas oo markii hore awoodooda taageere ku kala filiqsanayd labada urur ee WADAJIR IYO RAYS.

Wixii ka dambeeyey doorashadii deegaanka ee ay soo baxeen saddexda xisbi qaran KULMIYE, WADANI IYO UCID, Aadan dhoolayare iyo ururkisii RAYS oo taageerayaashiisii wattaa waxay ku biireen oo la midoobeen xisbul xaakimka KULMIYE halkaas oo sidii horeba looga bartay Aadan dhoolayare firfircoonidiisii siyaasadeed iyo waayo aragnimadiisii uu u lahaa haykalka dawladnimada uu ku biiriyey.

Aadan oo caado u leh ku xidhnaanta dhalinyarta aqoonyahanka ah ee dalku, ka hor intii aanu ku biirin xisbiga Kulmiye, wuxu la tashaday dhamaanba taageerayaashiisii kuwaas oo aad usoo dhaweeyey fikirka ah ku biiritaanka Aadan uu ku biirayo xisbiga KULMIYE.

Haddaad u fiirsatid taariikhda Aadan dhoolayare, (xittaa xilligiisii wassiirnimada ka horreysey) marnaba ka dhex arki maysid isagoo dawladnimada kasoo horjeeda isagoo taageeraya mooyaane. Taas macnaheedu ma aha Aaadan in uu yahay nin dhaliisha la gabadda. Hadh cad ayuu sheegaa dhaliisha cidda uu dhaliilayo. Hadaba haddii mucaaridnimadu dadka qaar ay la tahay in dawladnimada la waxyeeleeyo iyadoo lagu xumaynayo ashkhaas kooban oo xukuumadda ku dhex jirta, ama ay tahay dhaliil cidda samaysaa ay uga dan leedahay in ay kusoo shaac baxado, Markaas oo kale waxa la odhan karaa waa asqow siyaasadeed ee ma aha mucaaradnimo. mana aha in ay cay iyo af-lagaado amaba waxa loo yaqaan sharaf-dil (Character assassination) ay kula dul kufaan dadka taariikhda, magaca, milgaha iyo sharaftaba ku leh dalka.

Ugu dambayntii AADAN AXMED CILMI “DHOOLAYARE” ma noqon doono shakhsi ay taariikhdiisa ma guuraanka ah bedeli karaan maqaalada dadka tahriibka laga soo celiyey ee ku guul darraystay horumarka naftooda gudo iyo dibadba. Hadaba Jaalle korodhso taariikhda siyaasiyiinta baalka dahabka ah kaga jira bulshada ayaan fari lahaa cid kasta oo war la’aan iyo waran la’aan dirir iyo dagaal la oogsatta.

By:

 Faysal Jaamac & Cabdishakuur Ismaaciil

Comments are closed