Wasaarada Wershadaha ee Somaliland oo Heshiis Ganacsi la Saxeexatay Ganacsato ka Socota Dalka Chine {DHAGAYSO}
Hargaysa 21.Nov 2013 (SDN)- Wasaaradda Warashada ee JSL ayaa maanta heshiis ka kooban mashaariic kala duwan oo maalgashi waxa ay la gashay Warashadlayda Dalka shiinaha.
Munaasabad Balaadhan Oo ka qabsoontay Xarunta wasaarada warashada ee Magaalada Hargaysa ayaa Md Abiib Diiriye Nuur Wasiirka wasaaradaasi oo ay Wehelinayaan madaxda Kale ee wasaarada iyo Wafti Chane’s Ah Oo Ka Socda Warashadlayda wadanka China, maalmahana booqasho ku joogay Somaliland ayaa si wada jir ah labada dhinac waxa ay qalinka ugu duugeen heshiiskan oo ay qayb ka yihiin maalgashiga labaatan mashruuc oo balbalaadhan oo laga hirgelinayo gudaha Somaliland.
Munaasabadaasi Waxa Ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warashada Cabdi Axmed Nuur Oo sheegay Inay So dhawaynayaan Waftigan Ganacsatada warashadaha ah ee ka socda wadanka Shiinaha Isla markaana Dalka Ka Fulin doona Mashaariic Tiro badan.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Wasiirka Wershadaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirkaWershadaha21.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com