Xanuun La Garan waayey Oo Faro Baas Ku Haya Nolosha Shacabka Gobolka Hiiraan
Hiiraan:21-Nov-2013(SDN)-Sida uu Idaacadda Maraykanka laga leeyahay ee VOA-da u sheegay ildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir, waxa Deegaanada Gobolada Hiiraan iyo Bakool Ka dilaacay xanuun halis ah oo qofka uu haleelo ku dilaya muddo 48-saac ah.
.
Deegaanka ugu daran ee cudurkaani xilligan ka jiro ayuu Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir ku sheegay agagaarka Ceel Cali ee gobal Hiiraan.
Astaamaha cudurkan ayuu xildhibaanku ku sheegay xanuun madaxa qofka ka bilaawda, Qoorta oo dhacda, Gacmaha iyo lugaha oo dhaca kadibna qofku uu socon waayo hadii uu waayo wax dawa ah muda 48-saac ahna uu ruuxaasi dhimanayo.
Waxa uu sheegay in dadka ugu badan ee uu ku dhaco ay yihiin kuwa ku jira sanadaha 30-meeyo inkasta oo uu caruurna ku dhacaayo, waxa uuna ku sheegay tirada u dhimatay muda 10 maalin ah in ay gaadhayaan 25 ruux oo badankood Miyiga fog ku nool.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com