|

Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo iska Hor Yimid iyo Qoraalo is Khilaafsan oo ka soo baxay

Hargaysa 19.Nov 2013 (SDN)- labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf ayaa soo saaray Amar ay ku joojinayaan go’aankii Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ku kala diray guddiyadii Golahaasi iyo Is-doorashadii ay sameeyeen guddiyadii cusbaa ee uu magacaabay.

Shirgudoonka WakiiladaQoraal ay saaka labada Guddoomiye ku-xigeen ku soo dhajiyeen boodhka Ogeysiisyadda ee Golaha Wakiiladda ayaa u dhignaa sidan:-

Ujeeddo: Joojin ku saabsan isku-shaandhaynta Guddiyadda Golaha Wakiiladda

Markii aanu aragnay 18 aad faqrada 5aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda oo u qoran sida hoos ku cad:

(xubnaha Guddida layskuma shaandhayn karo sanadka u horreeya iyo ka u dambeeya ee muddada Golaha Wakiiladda, mana banana in xubnaha guddi dhamaantood la wada beddelo makaliya)

Sidaa daraadeed waxaanu xubnaha Golaha Wakiiladda lasocodsiinaynaa iyadoo la raacayo qoddobka 18 aad faqrada 5aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda eek or ku xusan in la qaatay qodobadan hoos ku qoran:-

  1. In isku shaandhayntii la joojiyay
  2. In guddiyadu ahaanayaan sidii hore illaa amar danbe
  3. In guddiyadu soo dhamaystiraan Xeerarkii hore u hayeen
  4. In isku shaandhay la samayn doono markay haboonaato iyadoo xeerarka la waafajin doono

Baashe Maxamed Faarax

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda

Dr: Cali Yuusuf Axmed

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda.

Go’aankan labada guddoomiye ku-xigeen soo saareen waxa uu ka hor imanayaa go’aankii guddoomiyaha golaha wakiiladdu ku kala diray guddiyadii hore ee golahaasi taasoo u qornayd sidan:-

Isku bedelkani waxa uu dhaqan galayaa kal-fadhigii 23aad bilowgiisa, iyadoo la raacayo xeer hoosaadka golaha guddi kasta iyadaa iska dhex dooranaysa guddoomiye iyo xoghaye (guddoomiye ku-xigeen).

Shirguddoonka ayaa u kala wareejinaya xeerarka qabyo qoraalka ah ee guddiyaddii hore hayaan.

Waxa laga codsanayaa in ay guddi kastaa ku soo celiso shirguddoonka Xeerarka qabyo qoraalka ah ee ay hayaan.

Amaradan is-burinaya ee shirguddoonka Golaha Wakiiladdu soo kala saareen ayaa muujinaya in khilaafka Xukuumadda iyo Mucaaradka u dhaxeeya ka dhex qarxi doono ka hor shirka ay Mucaaradku ku baaqeen Golaha Wakiiladda, taasoo horseedi doonta qalalaase la mid ah ka dhex taagan Xisbiga Kulmiye oo leh waji beelaysan iyo mid siyaasadeed labadaba.

Sidoo kale go’aanka danbe ee ay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiiladdu soo saareen ayaa salka ku haya guul daradii Xildhibaan Cali Mareexaan ka soo gaadhay is-doorashadii Guddida Arrimaha Gudaha Golahu ku dooratay Xildhibaan Rayte taasoo uu Cali Mareexaan Nidar ku maray in aan lagala caraabayn.

Si kasta ha ahaatee go’aamada Is-burinaya ee ka soo baxay shirguddoonka Golaha Wakiiladda ayaa u muuqda mid saaxada u sii xaadhaya khilaaf siyaasadeed oo ay xukuumaddu ku sii banaysanayso muddo kordhin sadex sano ah, taasoo laga soo bilaabay Xisbiga Kulmiye ee madaxa iskula jira isla markaana tan Golaha Wakiiladda lagu sii kabayo si qiil loogu helo Muddo kordhintaas.

Hase yeeshee qalalaasayaasha siyaasadeed ee ay xiligan Xukuumaddu dabada ka riixayso ayaan la garanayn khasaare iyo faa’iido midka ay dalka u yeelan doonto, waxaanay u muuqataa in aanu jirin qorshe ka danbeeya oo lagu xalin karo haddii ay xaajadu murgacato, khilaafkan ayaa ku soo beegmaya wakhti uu maanta Wasiirka Arrimaha Guduhu cadeeyey in ay faragalin Somaliya ahi ka danbayso qorshaha Shirka Talo Qaran ee ay Mucaaradku wadaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed