|

Basaasiin Ajaanib ah Oo Lagu Qabtay Deegaanno ka Tirsan Puntland iyo Masuuliyiin ka Hadashay.

Garoowe:19-Nov-2013 (SDN)-Maamul-goboleedka Somaliyeed Puntland ayaa maalintii Isniintii  shalay  Saxaafadda u soo bandhigay  rag ajaaniib ah oo lagu eedeeyay in falal basaasnimo ah ka wadeen deegannada Puntland.

basaasWasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ay gacanta ku soo dhiggeen laba nin oo u kala dhashay dalalka France iyo Britain,kuwaasoo howlo basaasnimo ah iyo kheyraadka ka buuxa deegannada Puntland aruursanaayay

Wasiirka ayaa sheegay in labadan nin ay soo galeen Puntland bishii April ee sannadkan iyagoona markaa lahaa waxaan u shaqeenaa hey’ad gargaar balse markii la ogaaday in ay howlo basaas ah iyo kheyraadka ay guran jireen.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa sheegay in raggan lagu hayo magaalada Garoowe waxaana u sheegay in dhawaan la soo taagi doono maxkamad.

 

Falalka Noocan oo kale ah ee kooxaha basaasiinta ahi ku shaqaystaan, ayaa inta badan ka dhaca Guud ahaan meelaha Soomaalidu degto ee ammaanku ka jiro, waxana aan la aqoon kumanaan ajaanib ah oo haatan waddanka ku sugani hawsha rasmiga ah ee ay qabtaan, iyadoo inta badan ay samaystaan waraaqo been abuur ah oo ay ku sheeganayaan shaqo aanay haynin inay waddanka ka qabtaan, mana jiraan wax saamixi kara in la agaado shaqadooda.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed