Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Degaanka KM50 ee Dadkii Dhintay Oo La Aasay
Muqdisho:19-Nov-2013(SDN)-Ka Dib Dagaallo dad badani ku dhinteen oo maalmahan ka hdacayey Deegaanka KM50 ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa haatan la soo sheegayaa waxoogaa Degenaansho ah.
Gudoomiyaha maamulka dowlada Soomaaliya ee deegaanka lagu dagaalamay ayaa waxa uu sheegay in xalay ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanadii lagu hardamay isaga oo xaqiijiyay in 15 ruux oo ku dhintay madaafiic maalintii shalay lagu duqeeyay magaalada ay aaseen.
“Deegaanku waa deganyahay, ciidankeenna ayaa u hare magaalada, dadkii madaafiicda lagu laayayna waa aasnay”, gudoomiyaha KM50 ayaa sidaasi ku waramay.
Ilaa shalay ayaa deegaanka KM50 waxa uu marti geliyay dagaallo ay hurinayaan ciidamada meleteriga Soomaaliya inkasta oo maamulka deegaankaasi ay sheegeen in ay ahaayeen weerarro qaab qabiil u abaabulan.
Lama garan karo in dagaalkani sidaas ku istaagi doono iyo inuu soo laaban doono, waxase jira warwar ay dadka deegaankaasi ka qabaan inuu mar kasta dagaal qabsan karo.
S.D.N