|

“Xabbaddaa La Isku Fiiqayaa Xumay Wadataa, Xaashi Muuse-na Nin Xume U Dhashay ma Aha…..” xaaji cabdiwaraabe

Hargeysa:19-Nov-2013(SDN)-Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cadbi-waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtida somaliland, ayaa ka hadlay Culayska Siyaasadeed ee ay soo kordhiyeen Kooxda Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka iyo waliba Falalka Toogashada ah ee dhawaan Somaliland ku soo biiray.

xaajigaXaaji Cabdi-waraabe oo shalay u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta dalka, ayaa sidoo kale ka Hadlay dabeecad ahaan iyo dhaqan ahaanba marka loo eego madaxweynihi Somaliland soo mara ee ay iskugu dhawaayeen taariikhda.

“Ma filaayo ragaasi(madasha wada-tashiga) inay xumaan wadaan waa ragii dawlada ku soo tabcay weeyi, rag magac leh weeyi, ragii soo dagaalamay weeyi waa nimankay dawladnimadu ku socoto weeyi, dawladnimadana nina wuu ku soo socdaa nina wuu ka sii socdaa, rag ku soo socda weeyi.Waxaan leeyahay ninkii idinka aqoon gaaban afka hawgu ridina cilaaqda, toosin baa loo baahan yahay, ragii ergayn lahaa baa tihiine ragii loo ergayn lahaa ma tihidin” ayuu Yidhi xaaji Cabdi-waraabe mar uu ka Hadlayey sida uu u arko kooxda madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka.

Cabdi waraabe waxa kale oo uu ka hadlay madaxweynihii ay isku dhawaayeen intii Somaliland jirtey, waxana uu yidhi, “Horta shakhsigayga dadka mid aan u diido mooyee anigu midna maan diidin, laakiin waxaa iigu dhawaa marxuum madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa iigu dhawaa, oo aanu aabihii saaxiib ahayn, balse anigu midna maan diidin.”

Waxa uu sidoo kale xaajigu ka hadlay tallaabooyinka dadka madaxda ah lagu rasaasaynayo ee dhawaanahan ku soo kordhay Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, waxana uu yidhi, “Waxaynaan aqoon baa ina soo galay, xabadaa gudaheena laysku fiiqayaa xumay wadataa, xabadaa laysku ridayo waa inuu Bilaysku ka feejignaado weeyi, shacbiguna ha feejignaado, nin odaya ayaa hada xidhan oo Xaashi Muuse la yidhaahdo, Xaashi Muuse nin xumo u dhashayna maaha, nin odaya ayuu ahaa dee waxaa lagu xidhay waa wax adag uun, haloo hubsado.”

Xaaji cabdi waraabe ayaa ka mid ah Haldoorka Bulshada Somaliland, waxana uu uu tusaale lagu daydo u yahay Nabadda iyo isu tanaasulka ay Bulshadu caanka ku tahay, iyadoo inta badan uu taariikh caan ah ku leeyahay arrimihii nabadaynta ee  Beelaha Somaliland muddo ka hor la isku keenay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed