|

Garowe: Qaadhaan lacageed oo Maanta la Gaadhsiiyay Gudida Culimada ee Gurmadka Masiibadii deegaamo ka tirsan Punt land ku dhacday

Garowe 18.Nov 2013 (SDN)- Guddiga Culimadda ee xubnaha ka ah guddiga Puntland gurmadka deg dega u magacawday ayaa maanta  magaalada Garowe soo bandhigay dhaqaale gaaraya 25 Kun oo Doolar kaasi ay shegeen in jaaliyadaha dibadda ay soo direen.

Lacagtan ayaa laga soo diray Dalalka Maraykanka iyo magaalada Aarhus ee Denmark oo ay ku nool yihiin Jaaliyado ka soo jeeda Maamul Goboleedka Punt land .

Shir saxaafadeed Culimadu ku qabteen Masjidka Al-Hudda ee Garowe ayaa mahad u soojeedsheen dadkii iska soo aruurshay dhaqaalahan loogu talogalay taakulaynta dadka dhibaatadu ka soo gaartay duufaantii todobaadkii tagay.

Shiikh Cabdiqani Qorane ayaa ka hadlay ajarka iyo khayrka ay leedahay in dadku isku gurmadaan oo walaalahooda tabaabelysan saacidaan, isagoona sidoo kale sheegay in jaaliyada Aarhus ay badi dhaqalahan ay soo direen.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa mahad u celiyay walaalaha iska soo aruurshay dhaqalahan, isagoona raaciyay in culimaddu dhaqalaahan si wanaagsan ugala wareegeen xawilaadihii la soo dhigay oo Amal Express ay ka mid ahayd.

Ilaa 300 oo ruux ayaa Puntland sheegtay inay ku dhinteen, halka boqolaal qoysas ahi ku cayroobeen ka dib markii xoolahoodi ka bakhtiyeen, waxana wasaradda caafimaadku haatan wadaa dadaloo lagu gubayo xoolaha si aan cuduro uga dhalanin.

bad7 bad6 bad5 bad4 bad3 bad2 bad1

Garowe SND.

Qurbejoog.com

Comments are closed