Madaxweynaha Philippine oo sheegay in uu la noolaan doono Barakacyaal ku waxyeeloobay duufaano dalkaa ku dhuftay inta Mucaawino ka soo gaari doonto
Tacloban Nov 18,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Philippine Benigno Aquino ayaa sheegay in uu xeryaha barakacayaashii ku waxyeeloobay Duufaantii Haiyan ee dalkaas ku dhufatay uu ku noolaanayo inta ay halkaasi ka soo gaarayaan deeqaha caalami ee dalkaasi soo gaaray.
Madaxweynaha Philippine Aquino ayaa degaya xero ku taal Tacloban oo ah caasimada gobolka duufaantu ku habsatay ee Leyte.
Madaxweynaha oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in inkasta oo kaalmadii caalamku dalkaasi soo gaartay aaney hadana ku fileyn baahida jirta.
Waxa isa soo taraya cabashooyin baaxad leh oo ka soo yeerayay dadka duufaanta ku tabaaloobay oo ku cabanaya in aaney gargaarku weli soo gaarin.
Duufaantan xooga weyn ee ku dhufatay dalka Philippine ayaa waxa ilaa iyo haatan la xaqiijiyay in ay ku naf waayeen ilaa 4000 oo ruux halka tiro kale oo dad ahi la waayay meel ay mareen.
SDN-Tacloban
contact@somalidiasporanews.com