|

Cabdiqaasim Salaad Oo Si Odaytinimo ah Uga Hadlay Khilaafka Hoggaanka Dalka Soomaaliya

Qahira:18-Nov-2013(SDN)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Qaasim Salaad Xassan, ayaa  Si qoto dheer uga Hadlay inta uu aqoon u leeyahay khilaafka haatan ka dhex taagan labada masuulka ee dalka ugu sarreeya.

SOMALI TRANSITIONAL PRESIDENT HASSAN MAKES SPEECH DURING SIGNING CEREMONY IN NAIROBICabdi Qaasim ayaa ugu horeyn waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in xilligan iyo xilli kalaba uu khilaaf jiro, isaga oo hoosta ka xariiqay in is-qab-qabsigu aanu hada bilaaban uuna soo jiitamaayay ilaa dowladii isagu madaxda ka ahaa, taas oo keentay in horu socodkii dalku uu noqdo mid aan hano qaad lahayn.

“Khilaafku hada bilaw maaha ee laga soo bilaabo aniga iyo Cali Khaliif wuu taagnaa. Khilaafka hada ka dhex taagan Xassan Sheekh iyo Saacid waa in si dhaqsa ah loo xaliyaa, ma ah in Baarlamaan la geeyo. Waxa ay ku haboontahay in loo diro dhex-dhexaadiyaal labada dhinac ay ku qanacsanyihiin”,  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Qaasim Salaad Xassan, ayaa sidaasi ku waramay.

Waxa uu intaasi raaciyay, “Innaga waqtigeenni xurguftu aad ayey u badatay, waxa ayna arintaasi gaadhay in Cali Khaliif Baarlamaanku shaqada ka eryo, ma aha hada in arintaasi oo kale ay dhacdo”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Qaasim Salaad Xassan, oo lagu doortay dalka Djobouti hadana ku nool dalka Masar ayaa waxaa dowladiisii hareeyay khilaafyo badankood ahaa awooda oo laysku qabsado, iyada oo marka laga hadlaayo is-qabsiga madaxda tusaale ahaan loo soo qaato.

Cabdiqaasim salaad ayaa sidoo kale lagu xasuustaa collaaddii gaamurtay ee uu u hayn jirey dawladda Ethiopia, waxana uu caan ku ahaa inuu dhibaatada soomaalida haysata dusha ka saaro dawladda Ethiopia oo uu ku sheegi jirey cadawga koobaad ee soomaalida.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed