Ninka Labaad ee Ugu Sarreeya Sirdoonka Dalka Libiya Oo La Afduubay
Tripoli:18-2013(SDN)-ku xigeenkii Sirdoonka Waddanka Libiya Mustafa Nuux, ayaa Kooxo Hubaysani Afduubeen sida saraakiil dalkaas ka tirsani warbaahinta u xaqiijiyeen.
Warbaahinta gudaha dalka Libya ayaa sheegtay in afduubka uu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Tripoli, laakiin dowlada ayaa sheegtay inaanay xaqiijin karin halka afduubka uu ka dhacay.
Wararka qaar ee ka imaanaya dalka Libya ayaa sheegaya in afduubka uu ka dhacay meel banaanka ka ah garoonka diyaaradaha ee magaalada caasimada Libya u ah ee Tripoli.
Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeysay afduubka masuulkaasi, laakiin kooxo kala duwan oo maleeshiyaad ah ayaa afduubyo ka geystay dalkaasi, bilihii ugu dambeeyay.
Bishii lasoo dhaafay ee October ra’iisul wasaaraha dalkaasi Cali Zeidan ayaa waxaa afduub ahaan loo heystay saacado badan, kadib markii ay afduubteen kooxo hubeysay, kahor inta aan lasii deynin.
Jimcihii lasoo dhaafay magaalada Tripoli waxaa ka dhacay isku dhacyo sababay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii dad banaanbax dhigayay ay isku dhaceen ciidamo maleeshiyaad ahaa oo ku sugnaa magaalada.
Golaha deegaanka ee Tripoli ayaa ku dhawaaqay seddex maalin oo shaqo joojin ah, iyagoo ugu baaqay in ciidamada maleeshiyadka ay isaga tagaan deegaanka.
S.D.N