|

Xukuumadda Somaliland Oo Si Dadban u Oggolaatay In Baasaboorka Somalia Hargeysa Xafiisyo ka Furto iyo Masuuliyiin Dawladda Ka Tirsan Oo Dillaalliin ka ah

Hargeysa:18-Nov-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland ayaa Si Dadban u oggolaatay in Baasaboorka Dawladda Somaliya laga dhex bixiyo Gudaha Somaliland oo hore muddo badan si qarsoodi ah loogu dhex samaynayey.

Somali-passportSida ay sheegayaan Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay oo aanu Helnay, waxa Maalintii shalay Maxkamadda Gobolka Hargeysa laga sii Daayey shakhsiyaad loo Haystay inay ka  inay Gacanta ku hayeen Basaboorka Somaaliga ah oo ay Magaalada Hargeysa Dhexdeeda dadka ugu samaynayeen.

Shakhsiyaadkaas oo la filayey in Xukun Lagu Rido, kana Koobnaa shan Qof oo afar ka mid ahi  rag ahaayeen midina haweenay ahayd oo xidhnaa muddo 45-cisho ah, ayey Ciidanka CID-da Oo Markii hore Soo Xidhay ay sheegeen inay Gal-dacwadeedkoodii dib u dhigeen iyagoon sabab lagu qanci karo sheegin, waxana Taas Beddelkeeda ay Xeer Ilaalintu Tilmaanay inaan intaas wax ka badan Raggaas la sii Hayn Karin iyadoo Oodda ka qaadday.

Sii Daynta Kooxdan lagu Haystay arrinta ka soo horjeedda Qaranimada Somaliland, ayaa la sheegayaa inay ka Dambeeyeen Koox Wasiirro ah oo xukuumadda ka tirsani, kuwaas oo sida La Hubo lacago badan ka macaasha Baasaboorkan waddanka dhexdiisa  lagu kootaro Baaninayo.

Sidoo kale waxa isaguna Arrintan Baasaboorka Soomaaliya ee waddanka dhexdiisa ka socda si weyn ugu lug leh oo gacan weyn kula jira taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cambaro, waxana uu ka mid yahay ragga Ololaha Ballaadhan u galay sidii kooxdan loo sii dayn lahaa si ay shaqadoodii halkii uga sii wadaan.

Kooxdan wasiirrada ah ee arrintan Baasaboorrada ku lugta leh oo tiraba lix ka mid ah aanu magacyadooda helay, ayaa iyagu ku macaasha Baasaboorkan sida qarsoodiga ah waddanka loogu dhex samaynayo, iyadoo sidoo kale naloo xaqiijiyey qaddarka lacagta ah ee calaa wasiir uu bishii ka helo arrintan dalka laga dhex wado.

Guddoomiyaha Laanta Socdaalka Somaliya Maxamed cabdilaahi gaafow ayaa isagu Somaliland oo uu u aqoonsan yahay Gobolada waqooyi u soo magacaabay Nin uu ku sheegay Guddoomiye oo  sida aanu ilahaas ku helnay Magaciisa lagu sheegay Khadar cabdi Ismaaciil (khadaryaanyo) ,kaas oo sii Magacaabay  koox kale oo kala hawl gasha samaynta Baasaboorka liddiga ku ah qaranimada, waxana aanu sidoo kale gacanta Ku Haynaa magacyada saddex ka mid ah saraakiisha Dawladda Somaliya u qaabilsan arrintan oo marka Loo Baahdo aanu magacyadooda  si Toos ah u baahin Doono.

Afarntan qof ee maalintii shalay Maxkamadda Gobolka Hargeysa sii Daysay, ayaa la sheegay in la soo qabtay iyagoo Hawsha samaynta Baasaboorada gacanta kula jira oo si toos ah ugu samaynaya Hargeysa Gudaheeda.

Kooxdan qawlaysatada ah ee waddanka dhexdiisa ku samaysa Baasaboorrada Somaliya, ayaa ah koox uu Gaafow shuraako kula galay lacagta ka soo baxda Baasaboorradaaas oo ay midkiiba qofka samaysanaya ka qaadaan $200, iyadoo kaliya $80-ka mid ah Qasnadda Dawladda Federalka ah lagu shubo, halka Kooxdan Hargeysa ku Sugani ay calaa-baasaaboor ka qaataan $100,  waxana uu Gaafow si gaar ah u qaataa $20-ka Dollar ee soo hadhay.

Wasiirrada aynu tiradooda kor ku soo sheegnay iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ayaa iyaguna lacago badan oo xad dhaaf ah ku qaata Fududaynta iyo Hirgelinta arrintan, waxana taas markhaati cad ka ah sida fudud ee kooxdan loogu oggolaaday in xorriyadoodii loo soo celiyo iyagoo ku kacay tallaabo qaran jab ah.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, waxa kooxdani maalin kasta ay Somaliland dhexdeeda ka sameeyaan 40-baasaboor, waxana jira meelo cayiman oo wasiirro xukuumadda ka tirsani si toos ah u ogyihiin oo aan Haddana wax tallaabo ah la ogolayn in laga qaado, iyadoo arrimahani markhaati u yihiin in Xukuumadda ay ka tirsan yihiin rag ku mashquulsan arrimo qaranimada ka soo horjeeda oo qaddiyadda umadda Hunguri ka doorbidayaa.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed