|

In Ka Badan Kun Askari Oo Wasiirka Gaashaandhiggu Tababar Ugu Soo Xidhay Magaalada Muqdisho iyo Saanad Militari Oo La Guddoonsiiyey

Muqdisho:18-Nov-2013(SDN)-Wasiirka Gaashaanigga Somaliya Cabdixakiin Fiqi oo ay weheliyaan Saraakiisha ugu sarraysa ee ciidanka Xoogga Dalka Somaliya, ayaa Magaalada Muqdisho Tababar ugu soo xidhay Kun Askari oo ku soo biiray Ciidanka.

xidhmoMunaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa suugaan iyo Riwaayad ka hadlaysa doorka Ciidamada ay ka qaataan badbaadinta Shacbiga waxaa kusoo bandhigay Fannaaniinta Kooxda Horseed ee CXDS.

Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Ciidamada XDS oo munaasbadda ka hadlay ayaa xusay in la diyaariyay lana soo gebagebeeyay Buug ka hadlaya shuruucdii lagu hagayay Anshaxa Ciidamada Xoogga dalka islamarkaana ay muhiim tahay in Askari kasta ee ka tirsan Xoogga dalka uu ka dhabeeyo dhaartii uu madaxda hortooda ku dhaartay Ilaahna uga baqo wax kasta ee dhibaato u keeni kara sharafta ciidamada Qalabka sida iyo Ummadda.

Gen.Daahir Aden Cilmi Taliyaha Ciidamada XDS oo isna khudbad u jeediyay Askarta maanta la dhaariyay ayaa tilmaamay in Askarta looga baahanyahay inay kalsooni ka helaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay u adeegayaan isagoo farta ku fiiqay in askari kasta uu xafido sirta Ummadda iyo Qalabka uu ku aaminay Qarankooda.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen.Axmed Maxamed Carab ayaa codsaday in askarta ay ku dedaalaan sidii ay magaca ummadda soomaaliyeed u dhowri lahaayeen laguna fikiro mar kasta sidii danahaooda gaarka ah ay uga horumarin lahaayeen Danta Guud.

Ugu Dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/Xakiim maxamuud Faqi oo munaasbadda soo xiray ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Alshabab ay cadow ku yihiin Ummadda soomaaliyeed waxa kaliya ee lagu dabarjari karana ay tahay Awoodda ay leeyihiin Ciidamada Qalabka sida waxa uuna ku dhiirageliyay ciidamadan inay ka qeyb qaataan Dedaallada lagu xoreynayo Gobollada ay haatan ku suganyihiin Alshabab.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed