“Waxaanu Qabanaynaa Dood Qaran oo Salka Ku haysa Hogaaminta Qaranka “ Prof Maxamed Cismaan Fadal {DHAGAYSO}
Hargaysa 17.Nov 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Gudida Qaban qaabada Shirka Dooda qaran ee labada Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Waddani ku Baaqeen Prof Maxamed Cismaan Fadal ayaa mar kale maanta ku celiyay in dooda qaran ee ay ku hawlan yihiin ay noqon doonto mid lagula xisaabtamo Xukuumada haatan talada haysa .
Prof Maxamed Cismaan Fadal waxa uu sheegay in Xukuumadu aanay cirka ka soo dhicin ee ay dadku doorteen isla markaana ay axsaabta Mucaaridka ah u dayso waajibaadka distoorku u baneeyay,Waxaanu hadalkan ka jeediyay mar uu maanta isaga iyo ku xigeenkiiisu Marwo Faadumo Siciid Ibraahin u waramayeen Warabaahinta .
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Prof Fadal
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Drfadal17(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com