Marwada Madaxweynaha Somaliland oo dhagax dhigtay Xarun loo samayn doono Caruurta Agoomaha ah
Wajaale 17.Nov 2013 (SDN)- Marwada madaxweyanaha ee j s l marwo amina sheekh maxamed jirde ayaa maanta dhagax dhigtay dhisme xarun loo samayn doono caruurta agoonta ah ee ku dhaqan magaalada wajaale.
Dadweynaha iyo masuuliyiinta degmada wajaale ayaa maanta si heer sare u soo dhaweeyay wafti ay hogaaminayso marwada madaxweynaha JSL marwo amina sheekh maxamuud jirde oo halkaasi u tagay hawlo shaqo.
Soo dhawaynta ka dib marwda madaxweynaha j s l marwo amina sheekh maxamuud jirde ayaa si rasmiya u dhagax dhigtay xarun loo dhisi doono caruurta agoonta ah eek u dhaqan degmadaasi waxaanay sheegtay in xukuumdu ay da daal ugu jirto sidii ay daryeel xoogan ugu fidin lahaayeen caruurta dalka meel kasta oo ay joogaan talaabada maanta xaruntan lagu dhagax dhigayanaan ay ka mid ahayd balan qaadiyadii uu xisbiga kulmiyay bulshada la galaya xiligii olalaha
Dhinaca kale waxay shir la yeelatay marwada madaxweynuhu haweenka ku dhaqan degmada wajaale iyadoo kala hadashay sidii ay haweenku ugu qeyb qaadan lahaayeen dadaalada loogu jiro horumarinta arimaha buslahsada islamrkaa ay kaalin xoogan uga qaadan lahaayeen mashaariicada lagu samaynayo wadooyinka dalka iyagoo haweenkaasina ay dhinacooda gudoonsiiyeenn marwada madaxweynaha hadaydo ay ku maamuuseen kaalinteeda waxqabad.
Gabagabdii waxa halkaasi ka hadlay xildhibaano , madaxdhaqameed iyo haween ka hadlay qiimaha uu dhismaha agoontu u yeelan doono caruurta degmada waxaana halkaasi qado sharaf loogu sameeyay waftigii ay hogaaminaysay marwadu.
Wajaale SDN.
Qurbejoog.com