Shir Hawleed ku Saabsan nidaamka Wax la isugu Gudbiyo oo Hargaysa ka Furmay
Hargaysa 17.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka iyo horumarinta Dr sacad Cali shire ayaa maanta magaalada Hargaysa ka furay shirweyne balaadhan oo ay ka soo qayb galeen wasaaradaha dawlada, hay’adaha caalamiga ah iyo ururada samafalka ah ee maxalliga ah. Kaasoo ujeedadiisu ahayd Wada shaqaynta buuxda ee ay dhinacyadani yeelan karaan iyo kala war qaadshadooda.
Shirweynahan ayaa lagu eegayaa hanaanka wax la isugu gudbiyo iyadoo ka soo qayb galayaasha loo kala qaybiyey hay’adaha Qaramada midoobay oo dhinac ah iyo Hay’adaha dawliga ah oo dhinaca kale ah, kuwaasoo is dhaafsanaya su’aalo iyo jawaabo ku saabsan habka shaqadu u socoto iyo sida ay dawladda Somaliland ugu soo gudbin karaan waxyaabaha laga duuli karo, si xukuumaddu uga qayb qaadato una buuxiso kaalinta looga baahan yahay.
Munaasabadaasi waxaa kaloo ka hadlay wasiirka wasaaradda qoyska iyo arimaha bulshada Md Maxamed Axmed Barre (Garaad) oo kulankaa ka sheegay in wasaarad ahaan ay soo wadaan qorshayaal balaadhan oo ku saabsan sidii aqoonyahanada reer Somaliland loogu raadin lahaa fursadaha shaqooyinka hay’adaha samafalka isla markaana aanay aqbali doonin in ajaanibka ka imanaya dalalka kale ay noqdaan shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ugu sugan gudaha Somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com