|

Garbo dadar: Laba Ruux oo Ku Geeriyooday Magaalada Garbo dadar ee Gobolka Salal

Saylac 12.Nov 2013 (SDN)- Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyooday roobab lixaad leh 20-kii saacadood ee u dambeeyey ka da’ayey meelo ka mid ah gobolka Salal. Iyadoo guud ahaan ay Somaliland ka da’ayaan roobab wata dabaylo qoyan.

Magaalada garbo-dadar ee Gobolka Salal waxaa la xaqiijiyey dhimashada labo ruux oo kala ah oday waayeel ah oo daad soo rogmaday uu qaaday iyo haweenay ay la duntay oo la go’day meel bullaacad ah.

Breaking-NewsSida uu noo Xaqiijiyay  caaqil Ibraahin Muumin oo ku sugan tuulada Geerisa iyo Mayorka magaalada  Garbo-dadar Md Cabdi Cabdilaahi kalluunle oo ku sugan caasimadda hargeysa ayaa ku soo warramay in roobabkaasi dhaliyey khasaaraha naf iyo moodkaba leh ay deegaanadaasi ka bilaabmeen xiligii salaadda subax ee saaka welina ay ka da’ayaan halkaasi.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in daadad ka dhashay roobabkaasi ay qallibeen oo rideen gaadhi booyad ah oo shidaal u soo siday dhanka magaalada Hargaysa isagoo marayey dooxa degmadaasi Garbo-dadar.

Saylac SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed