Madaxweyne Faroole oo Dalbaday in Beesha Caalamku ay Gurmad la soo Gaadhan Shacabka Punt land ee Masiibooyinku Haleeleen {DHAGAYSO}
Garowe 12.Nov 2013 (SDN)- Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiraxaman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta socdaal gaaban ku tagay halka ay wadadu ka go’day oo magalada Garowe u jirta 60-km dhanka Bari.
Hakad ayaa waxa galay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha Puntland,Inta uu madaxwaynaha socdaalka ku jiray waxa uu mararka qaar u dagayay eegista xawaaraha ay biyaha kusoo rogdamay magaalada u socdaan,wuxuna sheegay inay saamayn xoogan gaysteen biyahaasi.
Sidoo kale waxaa goobta wadadu ka go’day ku sugnaa qaar ka mid ah gollaha wasiiradda iyo dadwayne aad u faro badan.madaxwaynaha Puntland oo saxaafada kula hadlay ayaa sheegay wadada go’day inay saamayn ku yeelatay gurmadkii loo samaynayay dadka ku tabaalaysan deegaanadu ay ka dhacday duufaanta roobabka wata.
‘’Awood ka badan tababarta Puntland biyahakan’’ Ayuu yiri Madaxweyne Farole oo sheegat inay muhiim tahay helitaanka gurmad dhanka cirka ah oo lagu samatabixiyo dadka dhibaataysan.wuxuna beesha caalamka ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka socda.
Xaalad deg deg ah ayaa Puntland shalay Madaxweyne Farole uga dhawaaqay, waxna la filaa in maalmaha soo socda ay hakad galaan ganacsiga iyo isku socodka deegaanada Puntland.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Madaxweyne Faroole
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/faroole12Nov.mp3″]
Garowe SDN.
Qurbejoog.com