Dawlada Federaalka oo Sheegtay inay Gudi Heer Qaran ah u saarayso Qiimaynta Duufaanada
Muqdisho 12.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay Duufaannadii dhawaan ku dhuftay deegaanno ka tirsan Puntland, waxa uuna faah faahin ka bixiyey, xaaladda deegaannadaasi, tirada dadka ay saameysay iyo dadka gurmadka hadda u baahan.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa hey’adaha gargaarka Qaramada Midoobay iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si deg deg ah ugu gurmadaan dadka ay duufaannada waxyeeleeysay, isagoo intaa ku daray in Xukuumadda ay arrintaasi u saareyso Guddi heer Qaran ah oo musiibadaasi soo qiimeyneysa, waxa uuna u mahadceliyey Maamulka Puntland dadaalka ay arrimahaasi ka geysteen.
Duufaannadanada oo si ba’an u sameeyey deegaanno badan ayaa watay Roobab iyo Dabeylo xooggan, waxaana sidoo kale dadka qaabilsan saadaasha Hawada ay sheegeen in duufaannadani ay sii socon karaan ilaa maalinta Arbaca ah, hase yeeshee waxaa laga war dhowrayaa sida dadka dhibaateysan gurmadka ay u baahan yihiin loo gaarsiiyo, iyadoo dowladda Soomaaliya ay Guddi u saareyso si wax looga qabto musiibadaasi.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com