Ra’isal Wasaare Shirdoon oo Cadeeyay in Khilaaf Distoori ahi u dhexeeyo isaga iyo Madaxweynaha Somalia
Muqdisho 12.Nov 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in khilaaf dastuuri ah uu kala dhaxeeyo madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.
War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu sheegay in khilaafka ka dhex aloosan labada mas’uul uusan ahayn mid siyaasadeed, balse la isku hayo arrimo dhinaca dastuurka ah.
Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in khilaafka looga gudbi karo ku dhaqanka dastuurka qaranka, waxaana lagu xusay in xal u helidda is-maandhaafka dastuuriga ah ay leeyihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliyeed.
Raysul wasaare Shirdoon ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa ammaanka inay xoojiyaan howlahooda shaqo, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan madaxdoda qaranka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay muddadii sanadka ahayd ee ay xukuumadda raysul wasaare Shirdoon jirtay la gaaray guulo wax ku ool ah oo laga sameeyay dhinacyada ammaanka, dib u heshisiinta, maamulka, siyaasadda arrimaha dibadda iyo waaxyo kale.
Raysul wasaaraha ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo amniga dalka.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com