Madaarka Hargeysa Oo Aan Maanta Wax Duulimaad ahi Soo Fadhiisan iyo Dayuuradihii Soo Degi Lahaa Oo Meelo Kala Duwan u Baydhay
Hargeisa:12-Nov-2013 (SDN)-Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Internarional Aiport, ayaan Haba yaraatee maanta soo Fadhiisan Garoonkii Ceeryaamo iyo Roobab culus oo da’aya Saaccado badan aawadeed.
Duulimaadyadii Imaaraadka, Itoobiya iyo Muqdisho ee saaka soo fadhiisan lahaa madaarka Hargeysa ayaa u leexday Garoomada Diridhaba Jabuuti iyo Magaalada Berbera.
Diyaaradda Itoobiya Air-line ayaa ku laabatay magaaladda Diridhaba, halka diyaaradda Jabba ay u laabataya dhinaca Dalka Jabuuti oo ay ka degtay, wallow imika la filayo in ay dib ugu soo duusho magaaladda Berbera, diyaarada Afrika oo iyana ka soo duushay dubai ayaa iyana markii ay ka noqotay hargeysa ku degtay berbera.
Duulimaadyadii UN-ta ayaa iyana ku noqday magaaladda Muqdisho halka kuwooda yar yari ay ka duuleen hargeysa.
Illaa hada waxa si Xooggan uga ka da’aya madaarka Hargeysa Roob Ceeryaan leh kaasoo aan saamaxayn in ay dayuurado ku degi karaan ama ka haadi karaan, balse waxa la filayaa Rakaabka diyaaradda Afrika Expres iyo Jubba in Basas lagu daad gureeyo si Berbera looga qaado, wallow dooxyada berbera iyo Hargeysi Rogmanayaan oo ay adag tahay in laga gudbaa.
S.D.N