Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Dhaliilay Gudoomiye C.raxmaan Cirro,Shirka ay Wadaan labada Xisbi Mucaarid {DHAGAYSO
Hargaysa 12.Nov 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Tilmaamay in Shirka Qaran ee ay labada Xisbi Mucaarid ku baaqeen ay u arkaan mid ka hor imanaya danta iyo Maslaxada Qaranka .
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu ku dhaliilay Siyaasada Hogaamineed ee Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Maadama uu ku baaqay Shir aan Sharciyada Waafaqsanayn,isagoo ah ayuu yidhi hab Maamuuskii 3aad ee Qarankani leeyahay, Waxaa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay Qabsoomida Shirweynahoodii 3aad ee Xisbiga Kulmiye, Khilaafaadkii Soo kala dhex galay iyo Arrimo kale oo Xaasaasi ah.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalkii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MUUSEBIIXI12NO.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com