|

Hay’ada Ka Hor Taga Aafooyinka Debiiciga ah oo Tilmaan ka bixisay Duufaano ka Dhacaya Geeska Africa iyo Xaalada Cimilada

Hargaysa 12.Nov 2013 (SDN)- Hay’adda Ka hortagga masiibooyinka ee Somaliland ayaa maanta warbixin ka bixisay xaaladda cimilada iyo duufaanada ka dhacaya Gobolka Geeska Afrika kuwaasoo, welina ka socda meelaha qaarkood.

MAXAMED MUUSE CAWAALEGudoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka ee JSL MD Maxamed Muuse Cawaale oo u warramay Warbaahinta ayaa sheegay in dabaylaha iyo roobabkan is huwani ay yihiin nooc gaar ah oo ka mid ah cimilooyinka yimaadda waxana uu magaceeda ku sheegay (TROPICAL STROM-038)

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in dabayshan qoyan lagu magacaabo Cyclon, ayna ka soo kacday biyaha Badweynta Hindiya, iyadoo halkii ay dariiqeedii ku sii socon lahayd u soo baydhay dhinaca geeska afrika sida Somalia oo ay ku dhufatay magaalooyinkii xeebaha khasaarena gaystay,

Md Maxamed Muuse Cawaale oo hadalkisa sii watta ayaa sheegay inay dabayshu iyadoo aan itaal badan lahayn ay soo gaadhay xeebaha bari ee Somaliland iyo meelo kay ka mid tahay Magaalada Ceerigaabo,lagana dareemayo ilaa Caasimadda Somaliland ee hargaysa oo qoyaankeedii u soo tallaabay

Dhanka kalena Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in illaa hadda aanay ka war haynin cid wax ku noqotay Somaliland gudaheeda, laakiin uu guud ahaan dalka ka jiro Qabow iyo dhaxan aan noociisa hore loogu arag deegaanadan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed