|

Gudida Qaban Qaabada Shirweynaha Qaran ee Labada Xisbi Mucaarid Soo Xuleen oo Kulankoodi 1aad Yeeshay {DHAGAYSO}

Hargaysa 07.Nov 2013 (SDN)- Gudida Qaban Qaabada Shirweynaha Qaran ee ay Mudooyinkii u danbeeyayba labada Xisbi Mucaarid ku hawlanaayeen ayaa Maanta yeeshay Kulankoodi 1aad isla markaana ku doortay Hogaanka Gudidan oo ay Gudoomiye u doorteen Prof Maxamed Cismaan Fadal halka ay ku Xigeenkiisana u doorteen Marwo Faadumo Siciid Ibraahin.

Qaban qaaboGudidan ayaa Warbaahinta u Sheegay in Shirkan ay qaban qaabadiisa ku hawlan yihiin aanu waxba u dhimayn Hanaanka Dawladnimo ee dalka ka Jirta iyadoo lagaga tashanayo Sida ay Yidhaahdeen sidii Somaliland u Yeelan lahayd Istiraatijiyad iyo Siyaasad  cusub oo ay ku maarayso Caqabadaha ka hor yimaada iyo sidii ay dunnida ugu qancin lahayd in Aqoonsiga Somaliland uu wax weyn ka tarayo amaanka Mandaqada Geeska Africa.

Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadaladii Hogaanka Qaban Qaabada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ShirQaran07.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed