Ra’isal Wasaare Saacid ioo Talaabo dhanka Horumarka loo Qaaday ku Sifeeyay Shirkii Jubooyinka,Kana Hadlay Xidhiidhka ay Dawladiisu la Yeelan doonto
Muqdisho 07.Nov 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa uga mahadceliyey ergooyinka gobollada Jubbooyinka ee ka qeybgalay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Muqdisho sida ay u muujiyeen dulqaadka, ayna uga go’an tahay in xal laga gaaro deegaannada Jubbooyinka oo colaaduhu ay ragaadiyeen.
Raysul wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay xalay xaflad sagootin ah oo uu Muqdisho ugu sameeyay ergooyinka, wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay isu tanaasulka ay mujiyeen ergadda Jubbooyinka.
Shirdoon ayaa ballan-qaaday in ay xukuumaddiisu dedaal xooggan ku bixin doonto dib u soo celinta adeegyadii bulsho ee ku burburay dagaalladii ka dhacay gobolllada Jubbooyinka.
Dhankiisa hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qiray in heshiiska ay wada gaareen dowladda federaalka ah iyo maamulkiisa uu dhabbaha u xaari doono nabad waarta oo ay ku wada noolaadaan dadka Jubbooyinka dega iyo hirgelinta nidaamka federaalka ah, isagoo xusay in maamulkooda uu uga fadhiyo dowladda deeqihii ay heshay intii lagu guda jiray khilaafkii Jubbooyinka.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com