Shir Weyne Heer Qaran ah oo ay ka Qayb qaadanayaan Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Somalia oo Muqdisho ka Furmay
Muqdisho 07.Nov 2013 (SDN)- Shir heer qaran ah oo looga hadlayo caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya xirfadleyaal caafimaad oo gaaraya iyo ergo dalka iyo dibadda isaga kala timid.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu xusay in shirka oo socon doona saddex maalmood ay ka qeyb gali doonaan 270 qof oo xirfadleyaal caafimaad ah iyo 400 oo qof oo ergo ah oo ka kala imaanaysa gudaha dalka iyo dibadda, kuwaas oo laga rajeynayo inay talooyin ka soo saaraan dib-u-habeynta caafimaadka Soomaaliya.
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon oo furay shirka ayaa caddeeyay inay xukuumaddu si dhab ah u qaadan doonto talooyinka ka soo baxa shirka, isagoo xirfadleyaasha caafimaadka Soomaaliya tilmaamay inay kaalin weyn uga bannaan tahay dib-u-dhiska Soomaaliya.
Mudane Shirdoon ayaa xusay in ammaanka uu ku jiro kaalinta koowaad, caafimaadka iyo waxbarashadana ay kaalinta labaad ugu jiraan xukuumadda.
Wuxuu xaqiijiyay in caafimaadka iyo waxbarashada ay dhowaan noqon doonaan wasaarado madax-bannaan.
Wasiirka horumarinta adeegga bulshada Drs Maryam Qaamis Axmed ayaa sheegtay in caafimaadka iyo waxbarashada Soomaaliya aanay ahayn arrimo la siyaasadeyn karo oo loo baahan yahay in Soomaalida oo dhan ay ka wada shaqeeyaan.
Waa shirkii afaraad oo heer qaran ah oo lagu qabto magaalada Muqdisho.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com