Madaxweyne Siilaanyo oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Weftigii ka Socday Baarlamanka Kenya Sawiro
Hargaysa 07.Nov 2013 (SDN)-Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland. Md.Axmed maxamed maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay waftigii ka socday dalka Kenya ee maalintii shalay dalka booqashada ku yimid. Halka sidoo kalena ay weftigu ka qayb galeen kulan labada gole ee baarlamaanku si wada jir ah u qabsadeen maanta.
Weftiga waxaa sidoo kale xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis Kulankii uu madaxweynuhu ku qaabilay weftiga ka bacdi ayaa wasiirka wasaaradda arimaha dibaddu waxa uu ka warbixiyey waxyaabahii uu Madaxweynahu kala hadlay weftiga, rimahaas oo ay ka mid ahaayeen sidii ay labada Madaxweyne ee labada dal Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Uhuru Kenyatta ay isu dhaafsan lahaayeen booqashooyin ay ku kala tagaan labada caasimadood ee Hargaysa iyo Nairobi. Dawladda Kenya-na ay horseed uga noqon lahayd aqoonsi ay beesha caalamku siiso Soaliland. Iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal,
Dhanka kalena xubnaha weftiga reer Kenya waxa ay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta shirkadaha dahabshiil iyo Som-Cable.
Madaxa weftiga ka socda dalka Kenya Mss Aniya Kabita oo iyana kulamadaas ka dib saxaafadda la hadashaya ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay booqashadan ay ku joogaan Somaliland iyo qaabilaadda diirran ee ay la kulmeen, iyadoo Mss Anita xustay xidhiidhkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyey labada dal, kuna ballanqaaday inay booqashadoodu marka ay u dhammaato ay dawladda iyo shacabka reer Kenya u gudbin doonaan horumarka iyo nabadgelyada ay ku talaabsatay Somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com