|

Mareykanka oo yiqiinsaday in Iran diyaar u tahay xal laga gaaro barnaamijkeeda Nuclear-ka

Geneva Nov 07,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa haatan yiqiinsatay in dawlada dalka Iran ay haatan diyaar u tahay in xal degdega laga gaaro barnaamijkeeda Nuclear-ka sida laga soo xigtay sarkaal Mareykan ah.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili la isu diyaarinayo wareeg kale oo wadahadalo laga gelayo waxa laga yeelayo Nuclearka Iran.

“Markii u horeeysay ,waxaanu aaminsan nahay in Iran ay u muuqataa in ay dooneyso in xal degdega laga gaaro barnaamijka Nuclearka dalkaas”sidaa waxa tiri sarkaal ka tirsan diplomaasiyiinta ka qeybgelaya wadahadalada oo an magaceeda la shaacin.

Wadahalada Nuclearka Iran oo ka dhacaya magaalada Geneva ayaa waxa ka qeybgalaya shanta dal ee joogtada ku ah gollaha amaanka oo ah wadamada heysta hubka Nuclearka iyo dalalka Jarmalka iyo Iran.

Sababha loo aaneynayo in Iran ay haatan diyaar u tahay in xal laga gaaro barnaamijka Nuclearka ayaa waxa ka mid ah sidii dalkaasi looga dul qaadi lahaa cunaqabateynta regaadisay dhaqaalaha dalkaasi.

SDN-Geneva
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed