Wefti ka Socda Baarlamanka Kenya oo Booqasho ku Yimid Somaliland iyo Nuxurka Socdaalkooda {DHAGAYSO}
Hargaysa 06.Nov 2013 (SDN)- Waxa Dalka Maanta Soo gaadhay Wefti Xildhibaano u badan oo ka soo kicitimay Dalka Kiiniya weftigan oo somaliland u yimid xoojinta xidhiidhka labada dal waxa Garoonka Diyaaraha Ku soo dhaweeyey Wefti Culus oo ka socda Xukuumada iyo Golayaasha baarlamaanka iyo Guurtida iyo hubno kale oo badan.
Weftiga oo halkaasi ka sheegay ujeedada Socdaalkooda iyo Xildhibaan ku hadlay afka Baarlamaanka somaliland,Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka hadlay weftigan ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Kenya, isla markaana uu qaadan doonto booqashadoodu muddo sadex maalmood ah isla markaana ay booqan doonaan qaar ka mid ah magaalooyinka dalka,kulamana la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah Goleyaasha qaranka.
Guji halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso hadaladii Weftigan iyo Madaxdii soo dhawaysay
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WeftiKenya06.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com