Heegan Buuxa oo la Geliyay Ciidamada Itoobiya iyo Cabsi laga qabo Kooxaha argagixisada ah
Addis ababa 06.Nov 2013 (SDN)-Dowladda dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay heegan sare galisay ciidamaeeda ammaanka, kaddib markii ay heshay macluumaad muujinaya in maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda ay maleegayaan falal ka dhan ah ammaanka oo ay doonayaan inay ka fuliyaan gudaha dalkeeda.
Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay jirto xog dheeraad ah oo muujinaysa in maleeshiyadu ay qorsheynayso inay weerarro ka fuliso magaalo-madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.
Itoobiya waxay aalaaba ku eedeysaa dowladda Eritrea inay taageerto kooxaha fallaagada ee ka soo horjeeda dowladda, hase yeeshee Eritrea waa ay beenisaa eedeyntaas.
Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in ay ciidamadeedu aad uga feejigan yihiin tallaabooyinka ay argagixisadu qorshaynayaan, ayna ka hor tagi doonaan.
Maleeshiyada al-Shabaab ayaa marar sii horreeyey ku hanjabtay inay weerarro ka fulin doonto gudaha waddamada ay ciidammdu ka joogaan gudaha Soomaaliya.
Tallaabada ayaa imaaneysa saddex toddobaad kaddib markii saraakiisha ammaanka ee Itoobiya ay sheegeen in labo ismiidaamiyayaal Soomaali ah ay si khaldan isku qarxiyeen iyagoo isku diyaarinayay inay dilaan taageerayaal kubbadda cagta ah.
Addis Ababa SDN.
Qurbejoog.com