|

Telefishanka Qaranka Somaliland Oo U Xuubsiibtay Aalad Kala Irdhaysa Gegmooyinka Dalka Iyo Reer Awdal Oo Arrintaas Ka Cadhaysan

Borama:6-Nov-2013 (SDN) -Waxa ay ahayd habeen hore  markii uu TV-ga Qaranka Somaliland (SLNTV) uu baahiyay war ku saabsan Isuduwaha Caafimaadka ee gobolka Maroodijeex Dr. Sayid Ismaaciil Xasan oo booqday xeebta degmada Lughaya, gaar ahaan degaanada Bildhaaley, Booda, & Ceelsheekh, isla markaana dagaankaasi ku sheegay mid looga arimiyo Magaalada Hargaysa, kana tirsan gobolka Maroodijeex, taasina ay sababtay in dad badan oo reer Awdal ah ay ka muujiyaan dareen la yaab leh oo ku aadan sida uu TV-ga Qaranka Somaliland u yahay meel ka aradan wadaniyada isla markaana u xuubsiibatay inay dhimbiilo dab ah oo hor leh ka iyo muran ka dhex abuurto xuduudaha degmooyinka Somaliland.

somaliland_national_tvDareenkan dadku ka bixiyeen dhacdadan ayaa ah mid xasaasi ah, waxana Maxamuud Maxamed Caateeye oo dareenkiisa cabiray uu yidhi “Waan la yaabay, waanan ka cadhooday warka TV-ga Qaranka Somaliland baahiyay, waxa aan u malaynayay in dhinaca xeebta ay xad ka wadaagaan labada gobol ee Awdal iyo Saaxil, balse ninka iskuduwaha Caafimaadka isku sheegayay ee booqday degaanka degmada Lughaya hadalka ka soo yeedhay waxa uu ahaa mid curyaamin ku ah qaranimada iyo wada noolaashaha beelaha Somaliland”

“Ceebay tacaal, meeshu (TV-ga Qaranka Somaliland) miyaanay lahayn Tifaftire, sidoo kalena miyaanay juquraafiga kala garanayn, waxa ay baahiyeen war ma ahayn ee weerar ayuu ahaa, waxana aan ugu jawaabayaa waxa aad ku haboonaydeen TV MUCAARID oo waxwalba oo isku dir ah beehiya, kana shaqeeya sidii aad umada isugu diri lahaydeen”sidan waxa ku dareen celisay haweenay uu magaceedu yahay Mahado Cali Xuseen oo ka cadhaysan warka laga baahiyay TV-ga Qaranka Somaliland.

Haweenay ka gaabsatay magaceeda inay xusto ayaa iyaduna si toos ah u weerartay Isuduwaha Caafimaadka ee gobolka Maroodijeex waxana ay tidhi “Waxa uu sheeganayay ninkaasi mid ka shaqaynaya arimo caafimaad, balse waxuu ahaa mid cudur faafinayay oo siyaasadeeyay caafimaadkii iyo gargaarkii bulshada ee loo igmaday, waxanan leeyahay waxa aad faraha la gashay balaayo kaa fog, xuduudaha gobolka Awdalna ma aha kuwo ku buraya sida qaloocan ee aad wax u wado, waxase qasaarahu uu u soo hoyday waa xilka iyo waajibka ku saaran oo aad meel cidlo ah kaga dhaqaaqday.”

Sidoo kale dadwaynahu waxa ay dareenkoodan ay cadhadu ku ladhan tahay kula dul dheceen maamulka gobolka Awdal iyo kan Wasaarada Caafimaadka ee isla gobolka Awdal waxana ay yidhaaheen “Xaafadi waxa ay xaafad ugu gudubto waa xasarad, waxa aan la yaabanahay waxa uu badhasaabka Awdal arintan uga aamusan yahay, mise wali waxa ay barasho ugu dhiman tahay gobolka uu maamulo ee Awdal oo ay xuduudihiisu yihiin kuwo sugan oo la garanayo, waxana waajib ku ah inuu ka jawaabo oo uu cadeeyo mawqifkiisa ku aadan xuduudaha gobolka Awdal, sidoo kale Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi oo ah isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Awdal isaga ayay ahayd inuu u jawaabo Dr. Sayid oo ah masuul dhigiisa ah, ama uu baahida dhinaca caafimaadka ah ee jirta ee degaanka Lughaya uu soo arko, waxa loo baahan yahay in uu maamulku qaado talaabo cad oo muuqata oo arintan ka dareen celinaysa una quus goynaysa cid walba oo muran galinaysa xuduudaha gobolada iyo degmooyinka dalka, taasi waa waajib hadii kale Awdal waxay noqonaysaa “Wado Halaq Mareen Ah”.

Ma ahayn intan oo kaliya balse waxa ay dadka qaar dacwad gaadhsiiyeen Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cakuuse taasi oo ka dhan ah hawlwadeenadii baahiyay warkii Habeen hore ka baxay TV-ga Qaranka Somaliland waxana uu yidhi Geele Mahdi Cismaan “Waxaan wasiirka warfaafinta gaadhsiinayaa dacwad ka dhan ah shaqaalaha bilaa khibrada ah ee aanan dareensanayn in TV-ga Qaranka Somaliland uu yahay meel umada wanaageeda u adeegta, waxana aan leeyahay Wasiir arintaasi waa mid meel ka dhac ku ah sumada warfaafinta ay xukuumadu gacanta ku hayso, waxana aan kaa sugaynaa inaad sida ugu dhakhsaha badan uga qaado talaabo ku aadan anshax marinta shaqaalahaasi guraca u shaqeeya”

Dacwadan ayaa waxa kale oo ay dadwaynuhu gaadhsiiyeen Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Warancade, waxana Siyaad Maxamed Cudad oo wasiirka la hadlaya uu yidhi “Wasiir waxa aan u malaynaynay in Wasaarada Arimaha Gudaha ee aad ka arimisaa ay maamusho isla markaana si quman u kala xadaysay xuduudaha degmooyinka iyo gobolada dalka Somaliland, hadii xaalku sidaas ku saxsan yahay warka ka soo yeedhay isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Maroodijeex ee Caasimada dalku waxa uu khilaaf iyo muran ka dhex hurinayaa degmooyinka dalka,”

 

S.D.N

 

 Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed