|

Xukuumadda Oo Jawaab Gabbal-dhacsatay Ka Daba-tuurtay Mucaaridka Iyo Waran-cadde Oo Noqday Shaabuug Lala Dhaco Saaxiibbo Uu Bilo Uun Ka Soo Maqnaa

Hargeysa:6-2013(SDN)-Ka dib markii ay maalintii Isniintii  Hoggaamiyayaasha Axsaabta mucaaridka Somaliland si wada-jir ah ugu dhawaaqeen inay aqbaleen Gardaadinta shirweynaha qaran ee Hore Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranku ugu dhawaaqeen, ayey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Gudo gashay Gorfaynta  Jawaabta La Siinayo mucaaridka iyo waliba cidda odhanaysaba.

timoaSida ay sheegayaan ilo wareedyo u dhuundaloola Madaxtooyadu waxa ay xukuumaddu wayday fursad ay kaga Baaraandegto jawaab qumman oo ay ku suuxiso Mucaaridkeeda oo maalmahan u muuqda kuwa xoogaystay, maadaama  uu maalmihii ugu dambeeyey aqalka madaxtooyadu noqday Goob ay mushquulisay Dooddaha ka taagan xaaladda kacsan ee xisbiga Kulmiye.

Xukuumadda oo caan ku cabbanaan ka dhan ah cid kasta oo maalin dhaliisha, islamarkaana degdeg uga fal celisa waxkasta oo ay u aragto in lagu xoqayo Boogaheeda, ayaa ugu dambayntii wasiir waran-cadde oo ah Masuul ku cusub Gegida lagu layliyo Wasiirrada Socodka Baradka u badan ee uu madaxweyne Siilaanyo xushay, ayaa ugu dambayntii loo qoondeeyey inuu  inaan gabbalku dhicin jawaab shaabuug Noqota siiyo Kooxaha Mucaaridka ah ee Quluubta Bulshada sii Hananaya.

Wasiir Warancadde ayaan isagu kaba laba-labayn inuu u Hollodo jawaab degdeg ah oo intaan qorraxdu Godka Gelin uu siiyo Kooxda Mucaaridka ah oo uu Muddo bil uun ah ka soo maqnaa, waxana uu  Hannaan aan Looga Baran ugu carraabay xaruntiisa wasaaradda Arrimaha Gudaha oo gabaldhicii furtay.

Cali Maxamed Waran-cadde  ayaa  hannaan Guul-wadaysan ku Bilaabay jawaabta uu mucaaridka siinayo, waxana uu ku Nuuxnuuxsaday inaanay Suurtogal ahayn in Madaxweynaha Qaranka Koox  Dibadda siyaasadda iyo awoodda ka joogtaa ay ugu yeedho Hawlo ay qabanayaan, “ qarankan  haddii shir la qabanayo iyo haddii wax kale la qabanayaba cid baa awooddeeda leh oo uu u igmaday,  mana jirto cid madaxweynaha qaranka  ku amri karta inuu arrin ka soo qaybgalo inuu isagu ugu yeedho mooyaane.” Ayuu yidhi cali maxamed Warancadde.

Wasiir Warancadde  markii Bulshada ugu dambaysay ka tirsanaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo uu Maalintii shalay u jawaabayey, ayaan Shacabka u caddaynin meesha ay ku dambaysay Fikirkiisii ku saabsanaa taageerada iyo xubinimada Xisbiga Waddani, walise waa Jawaab ay dadweynuhu uga fadhiyaan.

Wasiirrada Caanka ku ah jawaab-siinta Mucaaridka, islamarkaana u haysta mansab siyaasadeed iyo karaamo dheeraad ahi inay ku jirto mucaarid la caayo oo loo jawaabo oo ay ugu horreyaan wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wasiir-u-dawlaha wasaaradda Maaliyaddu, ayaa Haatan u muuqda qaar       Helaya oo ay ku soo Socdaan wasiirro ku qabsada Shaqadoodii, kuwaas oo uu ugu horreeyo wasiir waran-cadde oo Haatan ka hor dad Badani u hanweynaayeen.

Wasiir Waran-cadde  oo uu muddo gaaban ka hor madaxweyne Siilaanyo u xushay inuu Hoggaamiyo xilka wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka mid ah wasaaradaha ugu culus Somaliland ayaan laga filaynin inuu  waxyaabaha qaar ugaga jawaabo Raggii ay shalay uun Ku wada jireen Dagaalka ka dhanka ah Xukuumaddan uu Maanta ka Tirsan yahay, waxase Arrintan loo Qaadan karaa kaliya mid uu ku ilaashanayo Shaqadiisa oo aanu  u jeeddo kale ka lahayn.

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed