“Qolyaha Qurbejoogga ee La Xisaabtanku Meesha kaga Dheggan yahay, waxan Leeyahay Annagu lix Milyan iyo Badh Baanu Bixinaye wax Aad Nagula Xisaabtantaan Nagu Darsada….” Wasiir Xirsi.
London:6-Nov-2013(SDN)-Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa naqdiyey soo jeedimaha bulshada dhexdeeda ah ee odhanaya Lacagta Qaadhaanka ah ee loo Ururinayo Dhismaha waddada Ceerigaabo-Burco Halloo Dhiibo Cid Dhex ah.
Wasiir Xirsi oo Haatan ku sugan Waddanka UK, Islamarkaana Ka hadlayey madal ay iskugu Yimaadeen muwaadiniin reer Somaliland oo ka doodayey Hannaanka loo Abaabulay Barnaamijka Lacagta loogu ururinayo Wadda Ceerigaabo, ayaa ganafka ku dhuftay dadka aamin in lacagta waddada loo dhiibo Guddi dhexe, waxana uu sheegay inay xukuumaddu u qalanto in lagu aamino Qaadhaan la soo ururiyey, maadaama ay qaranka wax badan u hayso, “Waxa jira dad odhanaya maa Guddi Madax Bannaan Loo Sameeyo lacagta waddooyinka oo Guddi madax bannaan loo sameeyo, waxan leeyahay ma Dawaladdii qaranka maamulaysay ee loo doortay ayaan loo aaminayn shilimada la isu soo geegeeyey iyadoo wax ka badan 152-milyan ay maaulayso oo Gacanta ku hayso.” Ayuu yidhi wasiir Xirsi.
Sidoo kale waxa uu wasiir Xirsi tilmaamay in ay sameeyeen Hannaan loola xisaabtamo Qolyaha lacagta gacanta ku haya, waxana uu sheegay inuu qof kasta oo lacag Bixiyaa arki Doono inta KM ee lacagiisu dhisayso, waxana uu yidhi, “Waxa jira qaar odhanaya sidee loola xisaabtamayaa, waxa loola xisaabtamayaa dawladdu waxay leedahay hannaan loola xisaabtamo, waxana Hawshan lagu soo bandhigi doonaa qorshe aan waxba ku qarsoonayn, qof kasta oo lacag laga qaado iyo inta KM ee ay samaynaysana waxa lagu soo bandhigi doonaa Website-ka.”
Waxa kale oo uu wasiir Xirsi Deedafeeyey aragtida qurjeboogga ee dheggan in la isla xisaabtami karo, waxana uu ku Duray inay Marka Hore keenaan oo la baxaan wax ay dadka kula xisaabtamaan, waxana uu yidhi, “qolyaha Qurbejoogga oo intooda badan in la xisaabtanku meel kaga dheggan yahay waxan leeyahay Diyaar Baanu u nahay in nalala xisaabtamo, laakiin Fikradda odhanaysa Dawladda la aamini maayee cid dhex ah halloo dhiibo arrinkaasi sax ma ah, Qolyihiinna qurbejoogga waxan leeyahay annagu lix milyan iyo Badh Baanu Bixinaye Wax aad Nagula xisaabtantaan nagu darsada.
S.D.N