|

Nin Megen-gelyo doon ahaa oo dad ku laayay Norway

Stavanger Nov 06,2013(SDN)-Nin lagu tuhunsan yahay in uu ka danbeeyay dilkii sadex ruux oo la socday mid ka mida gawaarida dadweynaha ayaa ay aheyd in dalkaasi laga mustaafuriyo.

Dawlada Norway ayaa goaamisay in ninkaasi dalka laga saaro ka dib kolkii uu ku guul dareystay in uu ku guul dareystay dacwad uu ku dalbaday megen-gelyo.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa ay aheyd in boolisku soo qabtaan shalay si dib loogu celiyo dalka Spain oo uu Yurub ka soo galay.

Dawladaha reer Yurub ayaa leh sharci oranaya ruuxa qaxootiga ah ee qaarada tagaahi ay iska dhiibaan dalka ugu horeeya ee ay ka dhul bilaabaan.

Afhayeen u hadashay Norway Eli Anne Tvergrov ayaa sheegtay in ninkan oo 31 jir ahi uu ka soo jeedo dalka Konfurta Sudan.

Ninkan ayaa lagu hayay xarun qaxootiga lagu hayo oo ku taal magaalada Aerdal.

SDN-Stavanger
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed