|

Qaramada Midoobay oo ka soo Jawaabtay dalab ay Baarlamanka Somalia u gudbiyeen iyo Khubaro ay soo dirayaan

Muqdisho 05.Nov 2013 (SDN) Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya in QM ka soo jawaabtay codsi ay horay ugu gudbiyeen oo ahaa in ay khubaro ka taageera baarlamaanka dhinaca sharci dajinta u soo diraan.

Mudane-JawaariPro Jawaaari ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka soo jawaabtay codsi ay horay ugu gudbiyeen oo ku aaddanaa khubarrada imaanaya Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in uu baarlamaanka wax badan ka faa’ideysan doono khubarrada.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale xusay in maalamaha soo socda uu baarlamaanka ka doodi doono hirgelinta nidaamka axsaab kala duwan oo uu yeesho dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hadalka ka sheegay kulan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed