|

Kulan lagu Naaqishayo Xeerka Qabyo Qoraalka ee Hay’ada Dhawrista Tayada oo Hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 05.Nov 2013 (SDN)- Wasiirada wasaaradaha Biyaha iyo Kalluumaysiga ee JSL ayaa maanta ka qayb galay kulan labo maalmood soconaya oo lagu gorfaynayo qabyo qoraalka xeerka hay’adda dhowrista tayada agabka ee Somaliland.

Diyaarinta xeerkan oo ay iska kaashadeen hay’adda tayada iyo hay’adda Terra-Nouva ayaa kulanka lagu gorfaynayo oo ay ka qayb qaadanayaan shan iyo Konton xubnood oo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha kala ah wasaaraddaha  Biyaha, Caafimaadka, Beeraha, Ganacsiga, qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, ururka ganacsatada dawooyinka, xubno ka tirsan golayaasha Qaranka iyo xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka.

cali biikaloGudoomiyaha hay’adda dhowrista tayada Md Cali Maxamed Cabdala (Biikolo) ayaa tilmaamay ujeedada xeerkan laga leeyahay , halka uu sidoo kalena xusay in waajibaadka hay’adiisu ay tahay inay kaantaroosho isla markaana la socoto dhamaan agabka dalka soo gelaya sida sharaabka cuntada, dawooyinka IWM. lama huraana ay noqotay in la helo xeer hay’aaddu ku shaqayso oo caddeeya waajibaadka iyo awoodda hay’adda si ay u gudato waajibaadkeeda iyadoo laga duulayo soo jeedintii golaha wakiilada Somaliland eek u saabsanayd in la soo gudbiyo xeerarka ay ku shaqeeyaan hay’adaha dalka qaarkood oo ay ka mid tahay hay’adda ilaalinta tayada agabka.

Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga Cali jaamac Buureed iyo wasiirka wasaaradda biyaha Xuseen Axmed cabdallah ayaa iyaguna dhankooda waxa ay kulankaa ka caddeeyeen baahida loo qabo xeer lagu kala saaro agabka ganacsi ahaan dalka u soo gelaya.

Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen garyaqaanka guud ee qaranka, Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo gudoomiyaha ururka ganacsatada dawooyinka soo dejiya ee Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed