Guddoomiyaha Guurtida Oo U Guntaday Daminta Dabka Kulmiye ka Dhex Baxaya Iyo Nuxurka Kulan Gaar ah Oo Uu La Xalay La Qaatay Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa:5-Nove-2013(SDN)- Iyadoo ay maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa kala fogaanshaha iyo aamindarrada xisbiga Kulmiye Dhexdiisa Ahi ayaa Haddana waxa sii badanaya kooxaha miisaanka leh ee u guntanaya inay xaraaradda xisbiga Hoos u dhigaan.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isagu si toos ah iskugu xilqaamay inuu meesha ka saaro Khilaafka xisbul-xaakimka, waxana uu Habeenkii xalay fiidkii hore Qasriga Madaxtooyada kula kulmay madaxweyne siilaanyo, isagoo kala Munaaqishooday sidii arrinka dhulka loo dhigi lahaa.
Guddoomiye Saleebaan, ayaa sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, waxa uu madaxweynaha kula dhiirraday inuu tallaabo ka qaado wasiirradiisa la sheegayo inay xisbiga Burbur u horseedayaan, waxana uu kula taliyey inuu Arrinta Go’aan adag ka qaato maadaama indhaha shacabka Isaga soo wada Eegayaan.
Sidoo kale waxa la sheegayaa inuu Guddoomiye Saleebaan madaxweynaha ku dhiirriyey inuu ka dhabeeyo madaxbannaanida xisbiga ee Nimanka haatan gacanta ku haya, waxana uu u sheegay inuu kuu dedaalo sidii wasiirrada xukuumadda ka tirsani ay faraha ugala bixi lahaayeen arrimaha dhinaca maamulka ee Xibsiga maadaama kooxda Mujaahidiinta u badan ee haatan Hoggaanka Xibsiga hayaa xilalkii Dawladda ku waayeen mansabyada ay xisbiga ka hayaan.
Guddoomiye Saleebaan ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu madaxweynaha ka Ballan qaaday inuu hoggaanka Xisbigana u tegi doono oo ka dhaadhicin doono sidii ay tanaasulaad dheeraad ah uga samayn lahaayeen arrimaha cakiran ee xisbiga dhexdiisa, waxase uu madaxweynaha ku Boorrieyey in arrimaha Xisbiga dhexdiisa ah faraha looga qaado Nimanka haatan Dibadda jooga ee gacanta ku haya.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegayaa inuu Hawraarsan ku soo dhaweeyey Hadalka Guddoomiye Saleebaan, waxase aan la Hubin inuu Tallaabo Muuqata ka qaadi Doono Wasiirkiisa Maaliyadda oo isagu lugta ku qalaaqaya Fad-qalalada haatan Xisbiga ka Taagan.
S.D.N